Dhalashadii Nebi Muxamed NNKH oo laga Xusay Magaalada Tromsų ee dalka Norway.
Posted by abdi on December 25 2015 20:30:14
Isku-imaatin lagu xusayay markii uu dhashay Nebi Muxamed [NNKH] ayaa xalay lagu qabtay Masjidka Al-Raxma ee magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norway.

Extended News

Isku-imaatin lagu xusayay markii uu dhashay Nebi Muxamed [NNKH] ayaa xalay lagu qabtay Masjidka Al-Raxma ee magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norway. Xuskan oo ay soo qabanqaabiyeen culumaa’uddiinka ku nool magaaladaas ayaa waxaa ka qaybgalay shacab fara badan oo ah muslimiinta ku nool magaaladaas iyo deegaannada ku dhow-dhow, waxaana halkaas laga akhriyay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta bisha Mowliid oo ah bishii uu dhashay Nabigeenna Muxamad [NNKH]. Culummadii goobta ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Macallin Maxamed Axmed iyo Macallin Saalax ayaa ku guubaabiyey ummadda soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qayb-galay inay muhiim tahay in lagu daydo sunnadka Nabigeennu uu dhashay; taasoo muujinaysa jacaylka ay dadkiisa u qabaan Rasuulka SCW. Sidoo kale, waxaay culumada akhriyeen taariikhdii Nabigeenna CSW iyo doorka qofka muslimka ah looga baahan yahay inuu ka qaato fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed. Ugu dambeyn, bisha Mowliid 12-keeda sannad walba ayaa waxaa laga xusaa caalamka oo dhan gaar ahaan dalalka Muslimka dhalashadii Nebigeenna Muxamed NNKH; waxayna muslimiinta xusaan dhalashada nebiga iyagoo faraxsan.

Hargeysa Online