Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhiga ka Jaray Dhisme Cusub.
Posted by ifraax on December 27 2015 22:42:33

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka  Cali Xuseen Ismaciil Jirde (Cali Shoombe) ayaa Maanta si wadda jir ah  Xadhiga uga jaray   Dhisme cusub oo  Labba dabaq ah loona dhisay Wasaarada Qorshaynta qaranka.


Dhismahan oo ay Maalgalisay Hay’ada USAID ayaa munaasibadii loo qabtay ay  ka soo qaybgalay Masuuliyiinta Wasaradaasi iyo Saraakiil ka socday Hay’ada Dhismahaasi maalgalisay.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland  Cali Xuseen Ismaciil Jirde (Cali Shoombe) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaasi xadhiga lagag jarayey dhismahaasi ayaa waxa uu u mahad naqay hay’adii dhismahasi u dhistay oo ah  USAID waxanu tilmaamay in dhismahaasi baahiweyn u qabeen, waxa kale oo uu sheegay in Hay’ada iyo wasaarada ay ka dhexeyso wada Shaqeyni.

Ibraahin oo ka socday Hay’ada USAID oo ka hadlay Munaasibadaasi ayaa sheegay in mudadii shanta sanno ahayd ee dawladu xilka haysay ay la soo shaqeeyen. Waxanu yidhi. “Shantii sanno ee ay dawladu xilka haysay wax baddan ayaanu la soo qabanay, maanta dhismahan cusub ee labbada dabaq ah ayaanu u dhisnay, waana mid cadeynaya  in bulshada Somaliland wax loo qabanayo, Mustaqbalkana sidii aanu hore ula soo shaqeyn si ka wanaagsan ayaanu ula shaqeyndoona”Ayuu yidhi

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici oo isaguna ka hadlay Munaasibadaasi ayaa tilmaamay  ahmiyada Wasaaraduhu u leeyihin qaranka isla markana ay tahay in ay helaan dhismayaal qurux baddan oo hawsha qaranka  lagu qabto. Waxanu yidhi. “Waxa noo farxad ah in aanu furno xafiisyo cusub oo lagu kordhiyey wasaarada Qorshaynta Qaranka,  oo ay maalgalisay hay’ada USAID oo dawlada maraykanka u qaabilsan Mucaawimooyinka dibada, mana ah markii ugu horeysay ee qaranka Somaliland ay hay’adani wax ku caawiso, sidaasi daraaded waa in shaqaalaha dawladu helan meel ay ku shaqeeyan, sidaad la socotaan dhammaan wasaarada dawlada wax ka socda dhismayaal qaar ay dawladu maalgaliso iyo qaar hay’aduhu ka caawiyan, Hay’adan USAID mudadii shanta sanno ee aanu xilka haynay kaalin mugleh ayey ka qaadatay dhismaha wasaarada iyo horumarinta dalkaba”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Hargeysa Online