Qoys Muslimiin ah oo u dhashay Dalka Britain oo loo Diiday Dhawaan inay u Safraan Mareykanka.
Posted by ifraax on December 28 2015 19:37:03

Qoys Muslim ah oo u dhashay dalka Britain ayaa loo diiday inay u safraan gobolka California ee dalka Mareyknaka.


Extended News

Qoys Muslim ah oo u dhashay dalka Britain ayaa loo diiday inay u safraan gobolka California ee dalka Mareyknaka, taasoo ka careysiisay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Britain.

 

 

Xildhibaannad Stella Creasy oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka dalka Britain ayaa warqad u qortay ra’iisul wasaaraha waddankaas, David Cameron iyadoo ka dalbatay inuu Mareykanka weydiiyo sababta qoys Muslim ah oo dalka Britain u dhaashay loogu diiday inay u safraan gobolka California. Creasy oo laga soo doorto xaafadda ku taalla Waqooyi-bari London, ayaa qoraalka ay u dirtay David Cameron u u dirtay ku xustay in qoyska oo ka koobanaa aabbe, walaakiis iyo sagaal carruur ah oo uu dhalay loogu yimid garoonka diyaaradaha Gatwick ee magaalada London, laguna wargeliyay inaysan raaci karin diyaarad u socday Mareykanka bartamihii bishan December. Haweeneydan xildhibaannada ah ayaa u sheegtay wargeysyada kasoo baxa Britain inay aad uga walaacsan tahay tirada sii kordheysa ee muslimiinta u dhashay UK ee loo diiday inay galaan dalka Mareykanka sabab la’aan. Qoyska loo diiday inay dalka Mareykanka u safraan ayaa waxaa aabbe u ahaa; Mahmood Tariq Mahmood, waxaana la safarayay walaalkiisa iyo caruurta walaakiis, si ay u booqdaan Qoyskooda oo ku nool Koonfurta Gobolka California, isagoo wargeyska The Guardian ee kasoo baxa Lodon u sheegay inuu qabo in sababta inay Mareykanka u safraan loogu diiday ay tahay inay yihiin dad Muslimiin ah. “Sababta waa weerarradii dhawaan ka dhacay gobolka California ee Mareykanka; waxay moodaan in qof kasta oo muslim ah uu yahay halis,” ayuu yiri Mahmood Tariq Mahmood. Safaaradda Mareykanka ee London, ayaa illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin qoyskan Muslimka ah ee Britain u dhashay ee loo diiday bartamihii bishan December inay u safraan dalka Mareykanka

HArgeysa Online