Farmaajo oo Magaalada Houston kaga Qaybgalay Barnaamijka Qaaraan Qaran.
Posted by ifraax on December 28 2015 19:54:39

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada Houston, Taxes ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia.


Extended News

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Magaalada Houston, Taxes ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, ahna gudoomiyaha Xisbiga Tayo, Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

 

 

Mudane Farmaajo ayaa jaaliyadda Houston kala qayb-galay barnaamij loogu magac-daray Qaaraan Qaran oo ah qorshe lagu taageerayo Xisbiga Tayo, iyadoo goobtaas ay goobjoog ahaayeen in ka badan 1,000 oo si weyn u buux-dhaafiyay madasha ay xafladdu ka dhacday; iyadoo dadka barnaamijkan kasoo qaybgalay ay isugu jireen; culummo, waxgarad, arday, haweenka, dhallinyarada,iyo weliba macallimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha gobolka Taxes. Barnaamijka Qaaraan Qaran ayaa ah qorshe loogu talo-galay in lagu badbaadiyo Qaranka Soomaaliyeed si loo helo dowlad caadil ah oo ay dhisteen shacabka Soomaaliyeed oo 25-kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray burbur iyo dowlad la’aan, wuxuuna qorshahani ka billowday magaalada Minneapolis; wuxuuna ku faafay gobollada Maraykanka iyo wadamada ay ku nool yihiin Soomaalida iyadoo dalkii ugu dambeeyay ee lagu qabto Qaaraan Qaran uu ahaa dalka Koonfur Afrika. Prof. Warsame Xasan Cali oo ka mid ahaa qaban-qaabiyaasha xafladda ayaa yiri. “In la raadiyo Qaaraan Qaran ayaa xalku ku jiraa; 10-ka doollar meesha kugu dhaw ku rid bishii. Qaaraan Qaran waxaa u aragnaa xalka keliya ee loogu bixi karo dhibaatada iminka jirta.” Iyadoo Prof. Warsame uu dadka Soomaaliyeed ku boorriyay inaysan xal ahayn dowlad ay inoo dhisaan dowlado kale oo danno gaar ah ka leh Somalia.

Hargeysa Online