Madaxweyne Siiraanyo Wiil uu Sodog u yahay oo 2.5Milyan aqal ku iibsaday.
Posted by ifraax on December 30 2015 02:59:59

Waxa dhawaan dalka Imaaraadka ka iibsday wiilka uu madaxweyne Axmed Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil Omar.


Extended News
Dubai -  Waxa dhawaan dalka Imaaraadka ka iibsday wiilka uu madaxweyne Axmed Siilaanyo sodoga u yahay ee Baashe Cawil Omar - ‪#‎Morgan‬ aqalkani oo ay dhawaan gateen Bashe Morgan iyo xaskiisa Luul Axmed Siilaanyo waxa uu qiimahiisu uu dhanyahay 2.5 milyan doolar,
sidaan waxa xaqiijiyay ilo dublamaasiyadeed, Baashe Morgan waa wakiilka uu Siilaanyo u magcaabay in uu noqdo Safiirka Somaliland u jooga dalkaasi isu taga Imaaraadka Carabta, hore wax dhaqaale ah uma lahayn.
Hantida aqalkani lagu gatay ayaa ka mid ah lacaga’yowga xad dhaafka ah ee ay qoyska Axmed Siilaanyo dalka dibadiisa ugala baxayaan taasi oo ah hanti qaran oo la lunsaday, una baahan dabo galkeeda.
Shicibka reer Somaliland ayaa xiligani la daalaa dhacaaya, sicir barar, gaajo, shaqo laan, tahriib, busaarad, biyo laan, caafimaad laan iyo maamul xumo, taasi oo lacagta xadigaasi leeg ee qoyska madaxweynahu ay lunsanayaan ay wax badan u qabn lahayd.
Dhanka kalena waxa socda dhismayaal dhaadheer oo afada madaxweynahu ay ka dhisanyso magaalooyinka Hargysa iyo Berbera, kuwaasi oo dareemo cadho leh ay dad badani ka muujiyeen.
Hargeysa Online