Qarax Is-miidaamin ahaa oo ka dhacay Maqaahi ku Dhowr Tiyaatarkii Qaranka ee MUQDISHO.
Posted by abdi on January 03 2016 00:11:39

Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen.


Extended News

Ugu yaraan laba Ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Qofkii fuliyay qaraxa ayaa ku dhintay, afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax maanta ka dhacay gudaha Baar lagu magaaabo The Village oo ku taalla guriga hooyooyinka oo kasoo horjeeda Tiyaatarkii hore ee Muqdisho ku dhow.


Qaraxan ayaan la ogeyn cid lagu bartilmaameedsanaya, iyadoo goobta uu ka dhacay ay ku sugnaayeen koox wariyeyaal ah oo halkaas ku kulma maalin walba, waxaana qaar ka mid ah wariyeyaashan ay sheegeen in ninka qaraxa fuliyay uu meel ku dhow soo fariistay, balse ay markii ay shakiyeen ay ka kala taeen, isaguna uu is-qarxiyay daqiiqado kaddib.

Sidoo kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan, inkastoo qaraxyada noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab, mana jirto wariye waxyeello ay ka soo gaartay Qaraxan.

Wariye ka mid ah kooxdii wariyeyaasha ahaa ee maqaayadda ku sugnaa ayaa u sheegay warbaahinta in ninka is-qarxiyay uu isagoo caadi ah maqaayadda soo galay uuna soo ag-fariistay, balse ay ka kala tageen, kaddibna uu si iskiis ah isu qarxiyay.

“Markii ninku noo yimid ayaan ka kala tagnay, markaan ka kala tagnay ayuuna is-qarxiyay ninka, ma jiro wariye ay waxyeello kasoo gaartay qaraxaas; intii uusan ninku noo imaaana; waxaa noo yimid mid ka mid ah askarta dowladda oo na weydiiyay gaari dibadda yaalla oo laga shakiyay cidda iska leh, laakiinse la waayay qofkii lahaa, markaas ayuuna shakigu na galay,” ayuu yiri wariyeyahan.

Qofka shacabka ah ee ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa qof waayeel ah, kaasoo la sheegay inuu ahaa oday… waxaana dadkii ku dhaawacmay oo iyaguna shacab ahaa loo qaaday isbitaallada Muqdisho qaar ka mid ah.

Dhanka kale, Qaraxan ismiidaamin ah ee lagu weeraray Baarka The Village ayaa Wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Muqdisho ka dhaca sanadkan cusub ee 2016-ka oo shalay curtay; iyadoo sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka ay Muqdisho ka dhaceen Qaraxyo kala duwan oo khasaare badan geystay.

Ugu dambeyn, ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay inay xalay toogasho ku dileen saddex qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaa ahaayeen koox Al-shabaab ka tirsan oo xalay weeraray saldhigga degmada Huriwaa ee Muqdisho, ayna ka furteen saddex qoryaha fudud ah oo ay wateen raggan la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, Maqaayada The Village ee uu qaraxu ka dhacay maanta ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay Qaraxyo mid ka mid ah ay ku dhinteen saddex wariye oo ka howlgeli jiray Warbaahinta Muqdisho.

Hargeysa Online