Al-shabaab oo Maanta Gobolka Jubada Dhexe ku dishay Shan ruux.
Posted by abdi on January 03 2016 01:58:21

Al-shabaab ayaa maanta shan ruux oo ay sheegtay inay jawaasiis ahaayeen ku dishay fagaare ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.


Extended News

Al-shabaab ayaa maanta shan ruux oo ay sheegtay inay jawaasiis ahaayeen ku dishay fagaare ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.


Afar ka mid ah eedeysanayaashan ayaa lagu toogtay fagaaraha oo ay boqolaal qof joogeen halka midkii shanaadka la gowracay.

Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab ayaa xukunka ku riday dadka la dilay ayaa fagaaraha ka sheegay in shantaan ruux oo dhamaantood rag ahaa ay ahaayeen basaasiin u shaqeynaya dowladda Somalia iyo sidroonka Mareykanka.

Magacyada shanta qof ee la dilay ayaa waxay kala ahaayeen;

1. Axmed Cali Ibraahim oo 22-jir ahaa 
2. C/naasir Cali Maxamed oo 21-jir ahaa
3. C/Najiib Cusmaan Cosoble oo 19-jir ahaa
4. C/llaahi Xasan Abuubakar oo 19-jir ahaa iyo 
5. Aadan Maxamed Isaaq oo 19-jir ahaa

Saraakiisha Al-shabaab oo dilalkan kaddib hadlay ayaa sheegay in ruuxa la gowracay ee ka midka ahaa Shanta qof uu mas’uul ka ahaa duqeyn diyaarada Drones-ka Maraykanku ay ka geysteen deegaan Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, iyagoo ku dilay ciidammo ka tirsan Al-shabaab.

Xubnihii kale ee Al-shabaab ka tirsanaa oo fagaaraha ka hadlay ayaa shacabkii goobtaas ku sugnaa uga digay inay ku kacaan basaasnimo, iyagoo ku goodiyay in ciddii jaanuusnimo ay ku helaan ay dilli doonaan sidii loo dilay shanta ruux.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay dilaan dad ay ku eedeeyeen inay jawaasiis u ahaayeen Dowladaha Somalia iyo Mareykanka, iyagoo Sannadkan dhamaadka ah dhowr qof sidan oo kale u dilay, laakiinse waxay dilka Shantaan qof kusoo beegeen maalintii ugu dambeysay sannadka milaadiga ah ee 2015-ka.

Hargeysa Online