Xukuumadda Turkiga oo Shaaciyay inay Saldhig Millateri ka sameysanayso gudaha Soomaaliya.
Posted by ifraax on January 08 2016 23:30:55

Xukuumadda Turkiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaadday inay saldhig millateri ka sameysanayso Somalia.


Extended News

Xukuumadda Turkiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaadday inay saldhig millateri ka sameysanayso Somalia,

taasoo qayb ka ah ballan-qaad ay kala saxiixdeen labada xukuumadoood oo lagu taageerayo dhismaha ciidamada Qalabka Sida ee Somalia iyo qalabeyntooda. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa qorshaha saldhiggan ay uga hirgelinayso dalka Somalia ku sheegtay inuu qayb ka yahay heshiis horay u dhex-maray dowladaha Somalia iyo Turkiga, kaasoo la xiriira iskaashiga dhanka ciidamada iyo inay Somalia u tababbarto ciidankooda millateriga. “Saldhiggan millateri waa mid muhiim ah oo aan doonayno inaan ku tababbarno ciidamada dalalka Qaarada Afrika,” ayuu yiri Emel Tekin oo ah sarkaal ka tisran Wasaarada arrimaha Turkiga. Wuxuu sarkaalku hadalkiisa ku daray in Soomaaliya ay ka hirgelinayaan iskuul milateri oo wax lagu barayo saraakiisha iyo dableyda ciidamada xoogga dalka Somalia, si Aqoontooda kor loogu qaado. Dhanka kale, Tekin ayaa sheegay in hirgelinta saldhiggan ujeedadiisu tahay loo heli lahaa nidaam ay yeeshaan ciidamada Somalia, iyadoo xukuumadda Turkiga ay hormuud ka tahay qorshahan lagu tayeynayo ciidamada xoogga Somalia. Ugu dambeyn, Xukuumadda Ankara ayaa Somalia ku caawiya sannad kasta 400-milyan oo doollar; sida ay shaacisay Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Turkiga, taas oo lagu kabo dhaqaalaha dowladda Somalia ay ku shaqeyso.

Hargeysa Online