Xasan sheekh oo ka qeybgaley furitaanka garoonka diyaaradaha caalamiga ee Boosaaso.
Posted by ifraax on January 08 2016 23:43:31

 Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galey furitaanka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Boosaaso. 


Extended News

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galey furitaanka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Boosaaso.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu maamusayey furitaanka garoonka ayaa sheegay in hirgelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

 
“Maanta waa maalin farxadeed, waa maalin la isu bogaadiyo, waa maalin reyn reyn leh, Ilaahay ayaana mahadda iska leh. Horumar kasta oo la gaaraa waxaa sal u ah nabadda. Shacabka reer Boosaaso iyo guud ahaan Puntland waxay muujiyeen geesinimo, hawlkarnimo iyo sida ay uga go’an tahay inay nabadda iyo horumarka u taageeraan. Guusha lagu hirgeliyey mashruucan waxaa iska leh Soomaaliya oo dhan’’, ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhiirigelineyso mashaariicda horumarinta dalka, isla markaana dhowaan ay gacan ka geysatey mashruuca lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha ee Garowe.

Xasan Sheekh oo ka hadlayey dhanka siyaasadda iyo nabadgelyada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la sameynayo horumar la taaban karo, isla markaana maamullada dalka ka jira ay dadaal weyn ugu jiraan inay si buuxda u hantaan amniga dhulka ay ka taliyaan.



“Wax weyn ayaan qabaney, wax badanna way inoo dhiman yihiin. Waxaa keliya ee aan horumar ku gaari karnaa waa midnimo iyo dowladnimo. Nidaam federaal ah ayuu waddanka qaatey, walow ay weli harsan yihiin dhameystirka sharciyadda iyo caqabado jira oo dhanka amniga ah. Maamullada dalka ka jira oo dhan kuma wada guuleysan inay hantaan dhammaan amniga dhulalka ay ka taliyaan, laakiin waxaa hubaal ah in dadaalka socda uu aakhirka horseedi doono in laga guul gaaro hadafka aan leenahay oo ah inaan dalka oo dhan nabad iyo horumar ku soo dabaalno’’.

Garoonka Caalamiga ee magaalada Boosaaso ee maanta la furay ayaa waxaa maalgelissay dowladda Talyaaniga, waxaana dhismihiisa hirgelisay shirkad dhismo oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo magaceeda la yiraahdo CCECC.

Xasan Sheekh ka hor waxaa munaasabadda ka hadley Madaxweynaha maamulka Puntland, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada iyo diblomaasiyiin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaanka garoonka ka sokow, magaalada Boosaaso kaga qeyb geli doona munaasabadda lagu xusayo sannad guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii Madaxweyne Gaas loo doortey jagada madaxtinimada maamulka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in inta uu joogo Boosaaso uu ka qeybgeli doono kulamo wadatashi oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo dib u dhiska qaranka.

—- DHAMMAAD——

Daud Aweis

Afhayeenka Xasan Sheekh