Saddexda Xisbi & Gudiga Doorashooyinka Somaliland oo Maanta kala Saxiixday XEERKA Doorashooyinka.
Posted by abdi on January 09 2016 23:35:43

Sadexda Xisbi ee Somaliland & gudiga doorashooyinka ayaa maanta kala saxiixday xeerka hab-dhaqanka (code of conduct) ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka.


Extended News

Sadexda Xisbi ee Somaliland & gudiga doorashooyinka ayaa maanta kala saxiixday xeerka hab-dhaqanka (code of conduct) ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka.


Saddexda Xisbi ayaa soo dhaweeyey Xeerkaan Hab-dhaqanka Diiwaan-gelinta cod-bixiye-yaaashu u socon doonta, isla markaana ku wada shaqayn doonaan saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashooyinka taas ay soo diyaarisay Akadamiga nabadda iyo horumarinta.

Ugu horreyn, Agaasimaha fulinta ee akadeemiga nabadda & horumarinta Maxamed Faarax ayaa xusay in heshiishkani yahay kii labaad ee Somaliland ka dhaca, isagoo xusay in sidoo kale diiwaan-gelimihii hore loo kala saxeexday xeerka lagu wada shaqaynayo.

Maxamed Faarax oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Somaliland waa markii labaad ee la sameeyo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, waa hawl culus, waa culays dhaqaale iyo mid bulshaba leh, waa hawl u baahan in laga wada qaybqaato, gaar ahaan inta ay khuseyso oo ah xisbiyadda qaranka”.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in loo baahan yahay in xeerkan lagu shaqeeyo oo wixii ka horeeyeyna la sameeyo, isagoo farta ku fiiqay in la isla garto kuraasta inta ay noqonayso iyo gobollada mid walba xildhibaanada ka soo bixi kara.



“Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka haddii aan xeerkiisa la sameyn wax hagaagi maayaan, haddii aan kuraastii laga heshiin waxay noqonaysa hal bacaad lagu lisay, haddii aan xeerkii mdaxweynaha iyo baarlamanka la samayn waxba inoo hagaagi maayaan, marka si loo arko in arrintan dhab innaga tahay waa arrimahaas ka dhabaynaa, doorashadu waa inay wakhtigii maxkamaddu cayintay ee la isku raacay waa inay dhacda, xeerkaasina waa muhiim”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.



Guddoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ee WADANI Axmed Mumin Seed ayaa isna soo dhoweeyey xeerkan, waxaanu soo jeediyey in xeerkaasi lagu dhaqmo oo xisbi waliba dhankiisa ka ilaaliyo, isagoo yiri, “Waxaan soo dhoweyneynaa cid kasta oo soo diyaarisay xeerkan ina horyaalla, waana salka aynu ku bilaabayno diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo inoo billaabaysa bishaan Jannaayo 16-keeda, muhiimaddu waxa weeye inaynu ku dhaqano xeerka marka aynu saxiixno, ka xisbiga Waddani ahaan... waxaan ballan-qaadayna inaanu ku dhaqmi doonno”.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa isna sheegay in xeerkani marag ka yahay halka Somalilnad ku socot, isagoo xusay in Somaliland oo aan ictiraaf haysan ay hadana martay jidkii dimuqraadiyada ee shacabku taladda qaybta ugu badan ku lahaayeen, waxaanu yidhi “xeerkani maaha mid u dhexeeya saddexda xisbi qaran iyo Komishanka ee wuu ka macno balaadhan yahay, xeerkaani wuxuu sheegayaa Somaliland waxay tahay iyo halka aynu u socono, xeerkani wuxu sheegaya in Somaliland markii labaad ee xeerkan oo kala saxiixano oo hore doorashooyinku ugu galeen,waxayna marag u tahay biseylka dadka Somaliland oo aan ictiraaf lahayn oo dhaqaale buuran aan la siin ay nabad-galyadooda iyo madaxdooda isku bedelayaan ay u dhacdo si dimuqraadi ah, in dalka somaliland tahay dad isku tashaday oo arimahooda maamulanaya, go’aankaasna wuxuu cadeynayaa in qarankan madax-banaan yahay mid shacabkiisu go’aaminayaan oo quus u goynaya dadka kale ee aan arrintaasi aaminsayn”.waxaanu intaas ku daray “Shacabka waxaan leeyahay waa markiinii oo go’aanka idinka leh oo shantii sannaba mar baad go’aan aad masiirkiinna ku dooranaysa leedihiin ee muwaadin isdiiwaangeli”

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.