DIIWAAN GELINTA KAADHKA COD BIXINTA EE SABTIDA 16/01/2016 .
Posted by abdi on January 15 2016 12:06:43

Waxaan Halkan Ka Bogaadinayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo shaqaalaha hawsha diiwaan gelinta u baxaya maanta u jimce ah kuna Beegan 15.01.2016 kuwaas.


Extended News

BOGAADIN:
--------------

 
Waxaan Halkan Ka Bogaadinayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo shaqaalaha hawsha diiwaan gelinta u baxaya maanta u jimce ah kuna Beegan 15.01.2016 kuwaas oo shaqada ka bilaabi doona Maalinta beri ah ee sabtida kuna Beegan 16.01.2016 Maalintii madaxweynaha Qaranku u sateeyay in hawsha la bilaabo Ilaahay waxaan Komishanka iyo hawl wadeenadaba uga Baryayaa hawsha in alle ufudaydiyo waxaan si gaara u bogaadinayaa Ardayda Jaamacada burco oo hawsha laf dhabar u ah University of Burao students.
.
DARDAARAN:
-----------------
Waxaan Halkan kala Dardaaran uga Gudbinayaa hawl wadeenada Komishan Doorashooyinka Qaranka ee loo igmaday hawsha inay uga soo baxaan sidii casharada lagu siiyay oo aanay samayn wax is daba marin ah oo musuqmaasuq ah ilaahayna ha kaashadaan.
.
GEBOGEBO:
----------------
Waxaan Bulshada Reer Togdheer kula Talinayaa inay sida ugu fiican isu diiwaan geliyaan Maadaama Burco tahay Gobolka ku Dayashada Mudan inta badan Waxaana loo Baahanyahay in aad hawsha socod siinteeda ka qayb qaadataan oo shaqaalaha soo dhawaysaan,waxaan aaminsanahay Gobolka Togdheer Yahay Gobolka Ugu Mudan ee Caasimada wax Bilowga Ku suntan, Tirada Codadka Diiwaan gelinta aan Ku dedaalno.
.
____________________
Wa bilaahi Tawfiiq.
Abdifatah Basher Hassan
Founder and CEO of Somaliland Training And Consulting Agency
Burao-Somaliland

Wixii Faahfaaina ee intaa dheer Booqo Page-ka Facebook ee Abdifatah Basher Hassan