Wasiir ku Xigeenka Ganacsiga Somaliland Oo Dalka Ku Soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Rugaha Ganacsiga.
Posted by ifraax on January 15 2016 22:20:30

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo uu Wehelinayay La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo uu Wehelinayay La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Saxaafada Mudane Khadar Xasan Cali Gaas iyo Ganacsade Mustafe Maxamed Abuzite ayaa Dalka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha ee Qaarada Afrika Mudane Kabour Chenna oo ay ahayd markii u horreysay ee uu Dalka Somaliland yimaado.

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga ayaa Faah-faahin ka bixiyay booqashada Mr. Kabour Chenna Isla markaana tilmaamay in ay tahay sidii aynu dunida u tusi lahayn fursadaha Maal-gashiga ee Dalkeena ka jira iyo sidii Rugta Ganacsiga Somaliland ay Xubin buuxda uga noqon lahayd Ururka Rugaha Ganacsiga ee Qaarada Afrika. Waxa kale oo uu Tilmaamay in Mr. Kabour uu kala qayb qaadan doono sidii Shirweyne Maalgashi oo Caalami ah Dalkeena loogu qaban lahaa bisha July ee Sanadkan 2016 looguna soo Casuumi lahaa wadamo badan.

Gudoomiyaha Rugaha Ganacsiga iyo Warshadaha Qaarada Afrika Mr. Kabour Chenna ayaa isna sheegay inuu Somaliland yimaado taas oo uu aad ula yaabay Horumarka iyo Nabada ka jira Somaliland. Waxaana uu sheegay inuu Caalamka gaadhsiin doono Waxa ay indhihiisu arkeen ee Somaliland ka jira.

Hargeysa Online