Kenya oo heelikobtaro ku weerartay ciidankii shabaabka ee Ceelcadde.
Posted by ifraax on January 15 2016 22:40:33

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay duqeyn cirka ah ku qaaden ciidamadii Shabaabka ahaa ee weeraray xaruntii cidamada ee Ceel Cadde.


Extended News

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay duqeyn cirka ah ku qaaden ciidamadii Shabaabka ahaa ee weeraray xaruntii cidamada ee Ceel Cadde.
 Duqeymaha diyaarada ayaa bilowday kadib markii Dagaalyahaanada Alshabaab ay xoojiyeen weerarkii ay ku galeen Xerada ciidamada Kenya ay ku lahaayen Deegaankaasi Diyaaradahani ayaa duqeymahooda waxay ku bartilmaameysanayeen gawaarida dagaalka ee ciidamada Alshabaab iyagoona halkaasi ugu geystey duqeyn xoog leh. Duqeyntani ayaa waxaa ka qaybqaatey diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hubku gantaalaha xambaarsan, kuwaasi oo weeraray Dagaalyahanadii weerarka ku hayey Saldhigii Ceel Cadde, al-Shabaab ayaa isaga difaacaya hubka culus ee lidka diyaaradaha. Waa weerarkii ugu cuslaa ee ururka Al-Shabaab ay qaadaan sanadkan, iyagoona sanadkii hore sidaan oo kale weerar ku qaaday Xarun ay Ciidamada Amisom ku la haayeen deegaanka Janaale.

 

Hargeysa Online