Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee Belguim miyaa lala shaqeeyey mise waa laga shaqeeyey.
Posted by ifraax on January 22 2016 08:03:13

waan idin salaamayaa dhamaanba shacabwaynaha jamhuuriyada somaliland meel kastoo aad ku dhaqan tihiin gaar ahaan jaaliyada reer somaliland.


Extended News

 

 

waan idin salaamayaa dhamaanba shacabwaynaha jamhuuriyada somaliland meel kastoo aad ku dhaqan tihiin gaar ahaan jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalka bijim aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maqaalkaygan aan maanta soo dhigo kaasoo aan kaga hadlayo xaalada jaaliyada,oo aad moodo in maalmahan danbe rag ay shaqo ka dhigteen kuwaasoo had iyo jeeraaale u taagan dibin daabyada jaaliyada iyo maamulkeeda,runtii waxaa loo doortay jaaliyada maamul sida sharciga ah ay tahay inuu wado hawsha jaaliyada mudo labo sano ah taasoo uu sharcigui siiyay waxaanay tahay in lagu taageero dhaqaale ahaan iyo hawl qabad ahaanba,waxaa ayaan daro ah in nimankii waday hawshaas ee soo doortay markii hore gudoomiye xasan barkhad ay maanta abaabulayaan shir kale oo xil ka qaadid ah kaasoo ah majaro habaabin,ay ku dheehan tahay xin iyo xaasidnimo,waxaanay horseed ka yihiin khilaaf jaaliyadeed oo sii balaadha,xaqiiqdii kulama socono in maalinba nin aan waxba lala qabanayn la soo cumaamado hadhawna inta laga fadhiisto ,laga shaqeeyo uun dhaleecayntiisa,raga qaar ayaa ku andacoonaya in sanad ku meel gaadha loo dhiibo aadan xasan,oo ay hore uga qaadeen,waxaan idin leenahay aadan waad la shaqayn lahaydeen markii uu xilkan haye sababta uu u wareejiyayna waxay ahayd dhaqaale xumo jaaliyada ah,suuro galna maaha qof aan jaaliyada taageero dhaqaale siin inuu maalin walba wax ka bedelkeeda ka shaqeeyo,waxaa marka hore waajib inagu wada ah in qofka aynu keenu uu noqdo mid aan la shaqayno ee aanu noqon mid aan ka shaqaynu,taasi waxay ka mid tahay ayaan darada ina haysata,ee xinka iyo xaasidnimadu ay ka kow tahay,
               Way haboon tahay wada tashigu waxaana ka muhiimsan in marka hore laysugu yimaado wada tashi la eego waxa qaloocday,sababta,iyo cida masuuliyadeeda leh,hadii taa la waayo dadka in gaar ahina isa siiso awooda in marba ciday doonaan soo magacaabaan,taasi waa been ay naftooda u sheegeen,waxaanuna leenahay yaan arimaha jaaliyada la gaadhsiin meel aan cidi ka soo qaban karin,waxaan leeyahay hal jaaliyad oo midaysan ha ku bedelina qaybo badan tafaraaruq iyo kala qoqobnaan,aan u wada tashano danteena meelna uga soo wada jeesano,aan wada jir u wada saxno qaladaadka maamul ee jira,aynuna u wad guntano sidii aan jaaliyada ugu wada samayn lahayn dhaqaale ay hore ugu socoto,intii wixii aan ahayni waa keli talisnimo aan loo dulqaadan karin cidina naguma dirqiyi karto waxaay iyagu gaar u doonayaan,
                                                  wasaalu calaykum
                                       qalinkii maxamed yaasiin maxamed
                                                          Antwerpen Belgium