Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo lagu AASAY Muqdisho.
Posted by ifraax on January 27 2016 00:02:31

ALLAHA u naxariistee marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa Barqonimadii Maanta lagu Aasay Qubuuraha Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.


Extended News

ALLAHA u naxariistee marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa Barqonimadii Maanta lagu Aasay Qubuuraha Isbitaalka Madiina ee Muqdisho, kaddib markii uu xalay ku geeriyooday isbitaalka Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho.


Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin; wasiirka warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Maxamed Cumar Caymoy, Taliyaha Sir-doonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, Jen. C/raxmaan Tuur-yare, Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Suxufiyiin iyo ehellada marxuumka.

 

Abuukar X. Goobdoon oo la dhashay maxuumka ayaa ka sheekeeyay Taariikh-Nololeedkii marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon, isagoo xusay inuu ahaa muwaadin magac ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed.



Sidoo kale, Jen. Cabdi Xasan Cawaale [Qaybdiid] ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ALLAHA u Naxariistee, marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon, isagoo xusay in Bulshada Soomaaliyeed uu uga tagay wax wanaagsan oo ay ku xasuusan doonaan.

Marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo ku dhintay da’da 80-tameeyo Sano ayaa kasoo qabtay Jagooyin kala duwan Xukuumadihii Somalia soo maray, isgaoo soo noqday, Afhayeenkii Madaxweynihii hore ee Somalia; Maxamed Siyaad Barre, Wuxuuna Kaalin weyn ku lahaa Warbaahinta Somalia iyo Qoraalka Afka Soomaaliga oo Xilliyadii dambe uu si aad ah ugu ololeyn jiray sidii loo horumarin lahaa.

Ugu dambeyn, mas’uuliyiinta Qaranka, mas’uuliyiin iyo dadweyne Soomaaliyeed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon oo si aad ah loogu xusuusto kaalintii uu ku lahaa Warbaahinta Soomaaliya.

 

Hargeysa Online