Markii aan aad ugu kuur galay arimaha jaaliyada somaliland ee dalka belguim ka dhisan waxaa isoo baxdey in shirkii lagu qabtey brussels.
Halkaas oo ay iskugu yimaadeen dad aan jaaliyada ka ahayn gudi iyagoo kusii doortey godoomiyihii markii horeba xilka lagala wareegey isagoo gudoomiyahaasi iskii iskaga wareejiyey oo
aaney jirin cid ku khasabtey inuu wareejiyo markii uu waayay cid la shaqeysa ,
Waxa kaloo wax laga xishoodo ah in gudoomiyaha hada talada haya ee jaaliyada s/land oo aan dhameysan xili mudeedkiisi in lagu xaq dhawri waayay sidii kuwii hore oo kale .
Ayaa waxa halkaa inooga cadaatey in dhawr nin oo iska dhex arki waayay shaashada jaaliyada s/land ee belgiumka ay iskugu yimaadeen shir aanu gudoominayn gudoomiyuhu oo aanay isku waafaqsanyn jaaliyada reer somaliland,
Taas waxaa sii dheer nimankaa shirka qabsadey waxaa loo soo jeediyey iney shirka waafajiyaan xeerarka u yaala jaaliyada iyagoo ka dhago adeygey talooyin losoo jeediyey .
Hadaba dadka ku nool dalka belgiumka waxaa la gudboon iney dhinac uga soo wada jeestaan 15kan qof ee baal marey xeerkii jaaliyada u yaalay,
guntii iyo gabagabadii
waxaanu 15kaa qof u aqoonsanahay iney yihiin niman iskood isku cumaamadey,
waxa kaloo gudoomiyaha jaaliyada somaliland ugu baaqayaa inuu shir dagdag ah iskugu yeedho cid kastoo danaynaysa in jaaliyadu ahaato jaaliyad la jaan qaada jaaliyadaha dalalka kale ka jirta.
wabillaahi tawiiq
by siciid shukri abdi...