Diyaarad ay leedahay Daallo oo uu Gudaheeda Qarax ka dhacay Maray ka duushay Muqdisho.
Posted by abdi on February 02 2016 22:30:48

Sadex ruux rakaab ah ayaa ku dhawaacmay  diyaarad ka duushay  garoonka magaalada Muqdisho  ka dib markii gudaha diyaarada laga maqlay qarax.


Extended News

Sadex ruux rakaab ah ayaa ku dhawaacmay  diyaarad ka duushay  garoonka magaalada Muqdisho  ka dib markii gudaha diyaarada laga maqlay qarax ka dhacay oo aan la garanayn wixii saababay iyada oo ku sii jeeday wadanka Djabouti.


Diyaaradan oo ay leedahay shirkada Daallo  ayaa dib ugu soo noqotay garoonka  diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, waxaanay si nabad galyo ah u soo caga dhigatay garoonka iyada oo qiix badani ka baxayey mid ka mid ah garbaha ay ku duusho.

Ilaa hada lama oga sababta keentay qaraxa ka dhacay gudaha diyaarada iyada oo ay socdaan baadhitaano xoog badan oo lagu ogaanayo waxa uu qaraxani ahaa.

 

Wasiirka duulista iyo gaadiidka cirka somaliya Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyey qaraxa ka dhacay gudaha diyaarada  waxaanu yidhi “Qaraxan lama oga waxa uu ka dhashay qaraxani, waxaana gacanta ku haya baadhitaankiisa  raga ku shaqada leh, mana doonayno inaanu ka hor dhacno shilka ku dhacay diyaaradan, marka uu baadhitaanku dhamaado ayey arintani soo baxaysaa.”

Sidoo kale wasiirka duulista somaliya ayaa sheegay inay diyaaradu ku sii jeeday wadanka Djabouti, waxaanu tilmaamay in la badbaadiyey rakaabkii saarnaa waxaanu yidhi “ Ahmiyada ugu weyn ee na aanu doonaynay waxay ahayd in la badbaadiyo rakaabka saaran diyaarada, taasna way suura gashay oo duuliyaha diyaaradu si nabad galyo ah ayuu diyaarada u soo fadhiisiyey.”

Wasiirka duulista somaliya ayaa sheegay inaanay wali cidna uga shakisnayn qaraxa ka dhacay gudaha diyaarada balse ay ka war sugayaan baadhitaanka ilaa hada la wado.

Ma ahan markii ugu horreysay oo diyaarad ka duushay Garoonka Diyaaradaha Adan Adde ee Muqdisho oo dib ugu soo laabata iyadoo Cilladi ay ku Qabsatay hawada sare.

Hargeysa Online