Somaliland iyo Somaliya oo Xisaad Siyaasadeed oo Cakirani ka dhex Bilaabantay.
Posted by abdi on February 02 2016 22:49:30

Warqad ka soo baxdey xafiiska Agaasimaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow ayaa lagu sheegay in Dowladda.


Extended News

Warqad ka soo baxdey xafiiska Agaasimaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Gaafow ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalku si ku-meelgaar ah u joonineyso dhamaan duulimaadyadii u dhexeeyey Muqdisho iyo Hargeysa. Warqadda ka soo baxdey xafiiska Gen. Gaafow ayaa amar lagu siinayaa shirkadaha Duulimaadyadu in ay muddo 21 cisho ah gudahood ku jojiyaan dhamaan duulimaadyadaas, taas oo ka bilameysa 22.02.2016, Gen. Gaafow ayaa sheegey in xanibaadu soconeyso tan iyo inta laga xalinaayo caqabadaha jira. Go’aanka ka soo Baxay Somaliya ayaanay  wali ka jawaabin.


Hargeysa Online