Dallada SSE way dhiirinaysaa in si buuxda loo dhaqan geliyo sharciga socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland (JSL).
Posted by abdi on February 05 2016 11:06:56

Dallada ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalka Yurub (Europe), magaceeduna yahay SSE (Somaliland Societies in Europe)


Extended News

Dallada ay ku bahoobeen jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalka Yurub (Europe), magaceeduna yahay SSE (Somaliland Societies in Europe) waxa ay xukuumadda Somaliland ku hambalyaynaysaa dadaalka cusub ee ku aadan dhaqan galinta sharciga socdaalka ee Jamhuuriyada Somaliland. 
Sida aynu ka daalacan karno dhaqamada iyo sharciyada dalalka caalamka ee kala duwan, sharciga socdaalku waa ka muujiya isla markaana qeexa madax banaanida dawladaha iyo kala duwanaanshaha shucuubta kala gadisan ee koonkan ku nool.  Waxa aanu dallad ahaan aaminsanay in Somaliland maanta dal walba uga baahi badantay hirgalinta sharci nidaamsan oo socdaal maadaama aynu ku jirno xaalad madax banaanideena qaranimmo dal kale (Somalia) inagu haysto.  
Hirgalinta sharci socdaal oo nidaamsan oo Jamhuuriyada Somaliland ka dhaqan galla waxa ay markhaati adduunka uga noqonaysaa in dalka Somaliland gooni isku taagiisu mid dhayaldhayal ah oo kumeel gaadh ah ahayn ee ay tahay go’aan umadeed oo ka soo noqod lahayn.  Waxa aanu aaminsanay in dhaqan galinta sharciga socdaalku mad-madaw gii wada hadalka Somaliland iyo Somalia qadiyada madax banaanida Somaliland soo galiyeen uu ka saari doono.
Hadaba Dallada SSE waxa ay xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ku dhiiri galinaysa in dadaalka cusub ee ku aadan sharciga socdaalka la sii waddo isla markaana si niyadsan oo daacad ah loo hirgaliyo.  Maadaama sharcigani mid qaranimadeena muujinaya oo muhiim ah yahay waxa aanu xukuumadda usoo jeedinaynaa tallooyinkan hoos ku qoran:
 In xeerka socdaalka ee Jamhuuriyada Somaliland si isku mid ah oo siman u wada qabto dhammaan ajnabiga dalka ku suggan oo ay ku jiraan dadka Somalia kasoo jeeda.
 In passport-radda dalalka shisheeye (foreign passports) si isku wada mida loola dhaqmo amma qaybo (categories) loo kala saaro, sida matalan kuwa Europe iyo Waqooyiga Amerika, iyo kuwa Afrika iyo Aasiya
 In dadka reer Somaliland ee dibadaha daggan, sida bariga dhexe (khaliijka), amma ardayda dalalka dibada wax ka barta ee isticmaala passport-ka Somlia la siiyo kaadhka dhalashada Somaliland (Somaliland ID card) si marka ay dalka xuduudihiisa kasoo gallayaan u isticmaalaan kaadh-kaas iyagoo dabcan dalka ay ka yimaadeen
Adresse : 13 rue Jean Monnet  64000 – Pau, France - Tel + 33 6 89 83 12 66, London Tel +44 7870 515 334 Web: http//www.sseuro.com, Email: ssediapora@gmail.com
iyo passport-ka ay ku dagganyiina masuul-ka socdaalka (Immigration Officer) u sheegaya.
 In dadka reer Somaliland ee dibadaha ku daggan passport-ka Somalia markay dalka kasoo daggayaan, iyagoo markaa lagu xaqiijinayo kaadh-kooda dhalashada, cashuurta laga qaadayaa la mid noqon ta laga qaado dadka reer Somalia ee ay noqoto mid ka hoosaysa maadaama ay muwaadiniin yihiin.
 In ardayda reer Somaliland ee dibadaha wax ka barata ee passport-ka Somalia isticmaala bilaa cashuur wadanka ay kusoo gallaan (dabcan kaadhkooda dhalashada ayaa lagu aqoonsanayaa), taasoo markaas dareenka muwaadin-nimmadooda kor u qaadaysa.
 In dadka Somaliland kasoo jeeda ee passport-radda Europe iyo Amerika sita iyaga lacagta imika laga qaado uun lagu waddo maadaama dalku u baahanyay dakhliga kasoo galla dadkaas.
 In Airport-yada dalka shambaddaha yaala la badilo oo ay markaas noqdaan shambaddo ay ka muuqato haybad qaranimmo. Waa in shambadda Airport-ka taala noqoto fiisihii (visa) dalka lagusoo gallayay maadaama meel kale fiise lagasoo qaadan.  Sidaa daraadeed waa in shambaddaasi dalka magaciisu (Republic of Somaliland) ku xardhanaado isla markaana lagu dhiggo muddada uu qofku ku joogi karo dalka iyadoo markaa fursada cusboonaysiintu-na mar walba furantay.
 Ugu dambeyn  ta ugu muuhimsan ee sharcigan hirgalintiisa sees u noqon doonta waxa ay tahay iyadoo xukuumadda iyo guud ahaan hay-yadaha qaranka Jamhuuriya Somaliland  u hawl gallaan oo tacab badan galliyaan sidii ay dalalka reer Somaliland ugu badanyiin, waa Somalilanders-ka passport-ka Somalia isticmaale, u oogalaysiin lahaayeen in ay dadkaasi isticmaalaan passport-ka Somaliland. Waxa aanu aaminsanay in ay suurta gal tahay haddii dadaalkeeda lala yimaado.  


Alle ayaa mahad leh,
Guddiga fulinta ee Dallada SSE