Go’aamadii ay Guurtidu ka soo saartay Deegaanka Diiriye Guuleed oo laga dayriyey.
Posted by xaaji on February 14 2016 19:48:05

Aqoonyahan Cabdilaahi Sheekh Aadan oo ka mida aqoonyahanada gobolka togdheer ayaa naqdiyay kulan ay la yeesheen madaxwayne siilaanyo wakhtigii.


Extended News

Aqoonyahan Cabdilaahi Sheekh Aadan oo ka mida aqoonyahanada gobolka togdheer ayaa naqdiyay kulan ay la yeesheen madaxwayne siilaanyo wakhtigii uu ku sugnaa magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.


Kulankaasi oo ujeedkiisu daraana sidii cuqaasha iyo waxgaradka kazoo jeeda deegaanka diiriye guuleed iyo madaxwayne siilaanyo uga wada hadli lahaayeen deegaanka diiriye guuleed oo ay dhawaan go’aamo kazoo saartay guddi ka socotay golaha guurtida Somaliland taasoo ay soo afjartay muranki ka taagnaa deegaanka sidoo kalena ay u kala xukuntay dadkii ku muransanaa deegaanka.

Kulankan oo ahaa mid ay alabaabadu u xidhnaayeen sida uu ka dhawaajiyay aqoonyahanku isla markaana qaatay saacado badan ayaa sida uu sheegay kusoo dhamaaday natiijo la’aan ,  wallow se uu madaxwayne siilaanyo mar labaad deegaankan usoo saaray guddi ka kooban todoba xubnood oo kazoo talla bixiya muranka ka taagan deegaanka oo sababay mid lagu kala kaco.

Aqoonyahan Cabdilaahi oo maanta warbaahinta uga waramayay habka uu shirkaasi u dhacay ayaa waxa uu xukumada ku eedeeyey inay ku fashilantay fulinta go’aamadii ay kazoo saareen golaha guurtidu deegaanka baliga diiriye guuleed  waxaana uu yidhi.

” “waxaan aad ula yaabay markii aanu burco kula kulanay madaxweyne siilaanyo, waxaanu u gudbinay cabasho aanu kaga cabanaynay go’aankii guurtidu ka soo saartay bali diiriye guuleed oo wasiir ku xigeenka Amnigu mugdi geliyey isagoo horena aanu u arkaynay in uu dhinac la safnaa ayaa waxa dhacdey in uu qoraal usoo diray maamulka gobolka togdheer uu ku amrayo in la fuliyo go’aanka guurtida isla todobaad ka dibna wuxu soo qoray qoraal kale oo uu ku joojinayo fulintii Arintaas oo ceeb ku ah sunnaha dowladnimo ahna wax lala yaabo”sidaas ayuu yidhi cabdilaahi

Sido kalena aqoonyahan Cabdilaahi  oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi

“ hadaba halkii aanu ka eegaynay in madaxweynuhu talaabo cad ka qaato arintan Deegaankiisa  runta u sheego ayuu yidhi waxaan magacaabay gudi arintan dhamaysa, meesha uu gudida u magacaabay uma baahna gudi waxaanu u aragna in madaxweynuhu aanu diyaar u ahayn in uu fuliyo go’aankii guurtida isaga oo madaxweyne ku ah mudo kordhintii guurtidu u samaysay waxaan aaminsanahay in xukuumadu dhinac u xaglinayso kana warwareegayso in ay sharciyada fuliso sidaa daraadeed ma sugi doono cid danbe ee waxaanu ku dhaqaaqayna sidii aanu u dhisan lahayn tuuladayada la baabiiyey Ninka naga dheerina ha naga boodo “sidaas ayuuna hadalkiisa kusoo koobay aqoonyahan Cabdilaahi.

Hargeysa Online