Baaq boogaadin iyo taageero ah.
Posted by abdi on February 26 2016 22:54:19

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jaaliyadaha ama ururada reer Somaliland ee Yurub ayaa si kal iyo laab ah markale u soo dhoweynaysa.


Extended News

Dallada SSE oo ay ku bahoobeen Jaaliyadaha ama ururada reer Somaliland ee Yurub ayaa si kal iyo laab ah markale u soo dhoweynaysa maqifkla Dowladda Somaliland ay ka qaadatay shirka lagu qabtay waddanka Turkiga ee la xidhiidha arrimaha ama aayaha Soomaaliya(new deal)

Hordhac:

Shirka noocan ahi ma aha wax inagu cusub. Waxa kii u horreeyay ee noociisa ah lagu qabtey waddanka Biljimka (Brussels), kii labaadna waddanka Denmark(Copenhagen), kii saddexaadna waxa lagu qabtey Soomaaliya (Muqdishu). Kulankan hadda dhammaadayna waxa lagu qabtey waddanka Turkiga (Istanbul).

Shirkan u dambeeyay ayaa lagu casuumay dhammaan maamul Goboleedyada Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka si looga wada arrinsado arrimaha Siyaasadda, amniga, doorashooyinka iyo Dastuurka si looga midho dhaliyo arrimaha hiigsiga. Sida ku cad ajandaha guud ee shirka waxa uu kulankani ku wajahnaa in si gaara diirada loogu saaro xaalada Soomaaliya.

Boogaadin:

Dallada SSE waxay baaqan ku cadeynaysaa sida ay u taageersantahay warsaxaafadeedkii rasmiga ahaa ee ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalimiga, kaasoo uu ku saxeexnaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse). Warsaxafadeedku wuxuu qayaxay in kulankani uu yahay mid u gaar ah waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya isla markaana aanu khuseyn Somaliland oo ah waddan ka gaar Soomaaliya isla markaana dhinca horumarka iyo dhinaca siyaasaddaba ka duwan Soomaaliya.

Tallaabooyinka noocan oo kale ahi waxay sii adkaynayaan ama xoojinayaan arrimaha qaddiyadda oo u baahan in la qaato mawqifyadda noocan oo kale ah. Dallada SSE waxay u aragtaa warsaxafadeedkan mid karaamaynaya ama xurmaynaya Somaliland qaranimadeeda iyo dal ahaanshaheeda.

Dalladu way ku baraarugsantahay in beesha caalamka laga raadsado waxyaabaha aynu xaqa ama qaybta u leenahay ee la xidhiidha dhinaca horumarka, laakiin taasi macnaheedu maaha inaynu ku milano shirarka ama kulanada noocan oo kale ah. Waxa hubaal ah in la inagu qiimeynayo ama la inagu tixgelinayo go’aanada aynu qaadanay in aan laga qayb gelin shirarka ku suntan maamul gobboleedyada Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka.

Dallada SSE waxay ku boorinaysaa dhammaan qaybaha bulshada Somaliland haddii ay yihiin kuwa rayidka ah ama kuwa ganacsatada ah inay u hoggaansamaan ama la socdaan mowqifka Xukuumadda Somaliland ay ka qaadatay ka qayb galka shirarka loo qabanayo Soomaaliya ee ku wajahan dhinaca horumarka ama dhaqaalaha. Yaan lagu kadsoomin, waana in aad looga feejignaado. Qaddiyada Somaliland uma qalanto shilimaad ama danaysi dhaqaale yar oo wax u dhimaya arrinka qaddiyada guud.

Gunaanad  ahaan Dallada  SSE  waxay  baaqan  kooban  ku  muujinaysaa  sida loogu  baahan guud  ahaan in la isku  duubnaado. Dallad ahaan waxa naga go’an  in wixii karaankayaga ah aan la garab istaagno   cid kasta oo xoojineysa ama adkeynaysa jiritaanka  Qaranimada Somaliland.

Ugu dambeynta  shaqo  wacan iyo  guul ayaanu  u  rajaynaynaa    Xukuumadda  iyo shicibka reer Somaliland.

Alle ayaa mahad leh,

Guddiga fulinta ee Dallada SSE.