14 qof ayaa ku dhigtay tiro kalena way ku dhaawacmeen Shil ka dhacay Gabiley iyo kala baydh dhexdoda.
Posted by abdi on February 26 2016 23:07:45

14 qof ayaa ku dhintay Shil foolxun oo ka dhacay duleedka Gabiley ee dhica kala baydh ka xigta, sila lagu soo waramayo laba gaadhi oo mid ka mid ahi.


Extended News

14 qof ayaa ku dhintay Shil foolxun oo ka dhacay duleedka Gabiley ee dhica kala baydh ka xigta, sila lagu soo waramayo laba gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Noah oo ka kalena yahay Lancruizer ayaa isku dhacay ka dib markii ay jidka iskaga horyimaadeen.


Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi oo aan tiradooda la cayimin ayaa loola cararay Cisbitaalka Gabiley hakaasi oo lagu daweynayo, waxa kale oo la xaqiijiyey dhimashada 14-ka qof ee kale.

Labadan gaadhi ayaa la sheegay inuu gaadhiga NOAH-da ahi ka tagay dhinaca Hargeisa una safrayey dhinaca Galbeed, halka gaadhiga Lancruizer-ka ahi uu ka imid dhinaca galbeed una soo jeeday dhinaca gabiley waqtiga uu shilku dhacay oo ahayd maanta oo Jimce ah abaaro Duhurkii.

Hargeysa Online.