Madaxweyne Siilaanyo oo Taageeray Kuraasta Kootada ah ee Haweenka.
Posted by ifraax on March 10 2016 02:02:19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku taliyay  in Golaha Wakiiladdu ansixiyaan qorshe kuraasi gaar ah.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku taliyay  in Golaha Wakiiladdu ansixiyaan qorshe kuraasi gaar ah loogu xidhayo haweenka doorashooyinka Goleyaasha baarlamaanka iyo deegaanka.


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu haweenka Somaliland ku bogaadiyay munaasibadda maalinta haweenka adduunka ee 8-da March darteed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu dhambaal hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaa haweenka Somaliland meel kasta oo ay joogaan guddo iyo dibedba, iyo guud ahaanba haween weynaha Adduunka dabaal-degga 8da March, maalinta caalamiga ee haweenka.”

Madaxweynuhu munaasibada 8da March awgeed, wuxuu haweenka Somaliland u rajeeyey inay xuskan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo nabadgelyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ka hadlay kaalinta haweenka Somaliland kaga jiraan dhismaha qaranka, waxaanu yidhi “Dhambaalkiisan hambalyada ah, Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyey haweenka lafdhabar iyo Xoog mug iyo miisaan ku leh nolosha bulshada, dibu-dhiska iyo horumarka waddanka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xusay in loo baahan yahay in Golaha Wakiiladdu ansixiyaan hindise la xidhiidha in haweenka loo qoondeeyo kuraasi gaar ah oo ay ku yeeshaan aqalka wakiiladda. “Dhinaca taageerada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, wuxuu sheegay in sidii uu horeba ugu taliyey, imikana ay ka go’an tahay in haweenka Somaliland saami go’an (Quota) ka helaan Barlamaanka dalka, golaha wakiiladuna meel marinyo kootada ay haweenku dalbadeen,”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka uu soo saaray afhayeenka madaxtooyaddu.

“Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey sida uu diyaarka ugu yahay in haweenku qeyb ka ahaadaan meel kasta oo talada dalka lagu go’aaminayo kaalmo muhiim ahna ka galaan saaxada siyaasada, dawladda iyo asxaabta qarankaba.”

“Madaxweynuhu wuxuu xusay in haweenkii uu ku soo daray xukuumaddiisu iyo kuwa ka tirsan shaqaale weynaha dawladduba muujiyeen dedaal iyo howlkarnimo mudan ku dayasho, hawlaha ay qaranka u qabteen awgeed,”ayuu lagu soo gabo-gabeeyay dhambaalka hambalyadda ah.

 

Hargeysa Online