Warancade oo Amar ku Joojiyey Diwaangalintii Madaniga ahayd iyo Shacabka oo Cabasho ka Muujiyey.
Posted by abdi on March 12 2016 19:12:50

Wasaarada Arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa  xidhay goobtii kali ahayd ee laga qaadanayey kaadhka Diwaangalintii Madaniga ahayd.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online) Wasaarada Arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa  xidhay goobtii kali ahayd ee laga qaadanayey kaadhka Diwaangalintii Madaniga ahayd,

 

qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Hargeysa oo baahiyo kala duwan u qabay qaadashada Kaadhka Miwaadinimada Somaliland ayaa cabasho weyn ka muujiyey Amarka uu Wasiirka arrimaha guduhu ku joojiyey Qaadashada kaadhka Miwaadinimada, waxanay Shabakada Hargeysa Online u sheegen in muddo dheer ku noqnoqnayeen xafiiska ku dhex yaala wasaarada arimaha gudaha oo laga bixin jiray Aqoonsiga dhalashada Somaliland balse loo sheegay in Wasiirku joojiyey.

Axmed Maxamed Ibraahin oo Shabakada Hargeysa Online  wax ka waydiiyey cabashadiisa iyo wax uu ka cabanayo ayaa noo sheegay in muddo uu ku soo noqnoqnayey Xafiiska laga qaato kaadhka dhalashada basle loo sheegay in ay xidhan tahay, waxanu xusay in meel kale oo laga qaatana aanay jirin goobtii kali ahayd ee laga qaadanayeyna laga xidhay, waxanu  sheegay in maamulka wasaaradu ku yidhaahden Dawlada Hoose ayaanu ku wareejinay basle markii ay tageen dawlada hoose ay ka waayeen meel laga qadanayo, waxanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in shacabka Somaliland ee baahida weyn u qaba kaadhka dhalashadooda loo sameyo meel ay ka qaatan, hadii kale shacabka loo sheego in aanay waxba meesha oolin. “Adeer meesha muddo ayaan ku soo noqnonayey wax allaaliyo wax kaadh dhalasho oo laga qaadanaya ma jirto dad badan oo maalin walba yimaada way jiran kuwaasi oo doonaya qaadashada kaadhka diwaanagalinta,  beenbay noo sheegen oo waxay nagu yidhaaden Dawlad Hoose  ka qaata meel dawlada hoose ah oo lagu bixinayaan ma jirto”Ayuu yidhi

 

Xaalimo Xusen oo iyaduna ka cabanaysay kaadhka Dhalashada ayaa sheegtay in muddo dheer ay ku soo noqnoqonaysay  wasaarada meel ay ka qaatana waayen, waxay hoosta ka xariiqaday in loo sheegay in wasiirka arrimaha guduhu joojiyey qaadashada kaadhka, Waxanay tilmaamtay in maalinba wasiirka amar uu ka soo baxo.“Wasiirka joojiyey ayaa na loo sheegay wuxu u joojiyeyna ma garnayo in lacag laga dhigayna waa naloo sheegay, haddii lacag ay tahayna waabanu bixin lahayn horta ma aragtay meel lagu bixinayba, waa nasiib daro in dal dhan la yidhahdo ma jirto meel lagu bixinayo kaadhkii dhalashada, wasiirku maalinba mar iska soo saaro, dee madaxweynaha ka weyne waa in uu Madaxweynuhu wasiirkiisa la hadlo oo uu ku yidhaado dadka maaskiinta dhibta ka daa”Ayey tidhi

Dhanka kale waxa kale oo jira dad badan oo iyaguna sheegay  in kaadhadhkoodii ay waayen uguna danbeysay markii la diwaangaliyey, markii ay wasarada tagen loo diiday in dib loogu sameyo ama kaadhkoodii hore loo keeno, waxa kale oo jirta dadweyne ka cabanayey Magacayda iyo wakhtiyada dhalashada oo laga khalday kuwaasi oo sheegay in wixii ay sheegten wax aan ahay loo soo qoray, markii ay maamulka diwaanglaint au tageen ay sheegen in wasiirku mar ka soos aaray, waxanay Xusen in wasiir Cali Warancade uu noqday mid malinba amar iska  soo saara oo shacabka Somaliland dhiba, waxanay Madaxweynaha ugu baaqeen in uu talabo ka qaado wasiirkiisa.

Wararka Shabakada Hargeysa Online  halay ayaa sheegay in sababta uu Wasiirku u joojiyey Qaadashada kaadhka dhalashadu ay tahay ka dib markii uu wasiirku xafiiskii diwaanglainta u raray Dawlada hoose isla markana uu ku soo rogay in dawlada hoose  dadka ka qaado lacag qiimaheeda lagu sheegay 70,000 kun oo Shillin Somaliland una dhiganta 10 Dollar in qof wal oo qaadnaya gaadhka diwaangalinta laga qaado, balse uu wasiirku codsaday in 5 Dollarna wasaarada arrimaha gudaha la siiyo Shanta dollar ee kalena ay qaadato dawlada hoose, balse waxa la sheegay in arrintaasi dawlada hoose diiday isla markana wasiirkuna Amar ku bixiyey in la joojiyo diwaangalinta oo hal maalin oo kali ah ka socotay Xarunta dawlada hoose ee Hargeysa, khilaafkaasi ka dhashay lacagtaasina uu sababay in dadkii masaakiinta ee baahiyaha kala duwan u qabay waayan meel ay ka qaatan kaadhkii diwaangalinta.

Madama Wasaarada Arrimaha guduhu tahli kariwayday in ay sii wado bixinta kaadhka dhalashada iskana Wareejisay Dawlada Hoose in hada wax ay uga dabatagtay ee u joojisay su’aali ka tagan tahay.

Diwaangalinta ayaa waxa ku baxday lacag aad u badan waxanay noqotay midka mid ah waxqabadka xukumada Madaxweyne Siilaanyo.

 

Hargeysa Online