Dagaal oo u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ka socda Dulleeedka Garacad.
Posted by abdi on March 20 2016 21:37:28

Dagaal culus oo ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab u dhexeeya ayaa ka socda Maanta deegaan 18-km u jira deegaanka Gara-cad.


Extended News

Dagaal culus oo ciidanka Puntland iyo kuwa Al-shabaab u dhexeeya ayaa ka socda Maanta deegaan 18-km u jira deegaanka Gara-cad, halkaasoo ay xoogagga Al-shabaab galeen 14-kii bishan Maarso.


Wararka laga helayo Deegaankaas ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid aad u culus oo labada dhinac ay is-dhaafsanayaan hub culus iyo mid fudud; inkastoo aan weli la garanayn khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta socda.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku qul-qulayaan deegaanno ka tirsan xeebaha-bari ee maamulka Puntland, halkaasoo ay kooxdan dhawaanahan si aad ah isugu fidinayeen deegaannadaas.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidanka Puntland ay dhowr jeer ka hor-joog-sadeen Xoogagga Al-shabaab in ay u gudbaan Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, in-kastoo weli aanay Puntland natiijo ka gaarin dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab ka tirsan.

Wararka ayaa xusaya in dagaal-yahannada Al-shabaab ay galeen dhul kayn badan oo lagu magacaabo Dhafa-ruurley, halkaasoo la sheegay inuu ka socdo dagaalka maanta ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab  dhex-maraya.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Puntland iyo taliyaha ciidanka Puntland Jen. Siciid Dheere oo ciidamo badan ay la socdaan ayaa gaaray iyaguna deegaan ku dhow Garacad, kuwaasoo la sheegay inay qayb ka yihiin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Goob-joogayaal ku sugan deegaanka lagu dirirayo ayaa kusoo waramaya in dagaalku uu yahay mid aad u culus, inkastoo aan la sheegin inay dagaallo ka socdaan togga SUUJ oo maalmihii u dambeeyay ay dagaallo ka socdeen.

Hargeysa Online