Dagaal u dhaxeeya Laba kooxood ku dhex maragay degmada Oodweyne.
Posted by abdi on March 20 2016 21:50:19

Wararka hada soo gaadhaya Warbaahinta  ayaa sheegaya in duleedka  magaalada Oodweyne ee xurunta gobolka Daad-madheedh uu ka dhacay iska  iska hor’imaad sababay khasaraha.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wararka hada soo gaadhaya Warbaahinta  ayaa sheegaya in duleedka  magaalada Oodweyne ee xurunta gobolka Daad-madheedh uu ka dhacay iska  iska hor’imaad sababay khasaraha dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale.


Waxaana dagaalkani oo deegaanka Daalaco ee degmada Xaaji Saalax ku dhex maray laba kooxood oo qaad-layaal ah, la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Is rasaasaynta iyo dagaalkan dhexmaray labada kooxood ee Qaad-layaasha ah,ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran xaga fursada ah oo soo kala dhexgalay iyo isku qabsi Tuullooyinka qaadka ay ka iibin jireen,waxaana la sheegay inuu ku dhintey ilaa hadda inta la xaqiijiyey hal-qof,halka dhaawac lagu sheegay 2 qof.

Dhanka kale,  wararkaa soo gaadhaya Warbaahinta, ayaa sheegaya in labadan koox, kooxddii weerarka soo qaaday ee khasaara dhimashada geystay in ay u baxsadeen dhanka xadka Itoobiya oo ay u talabeen, iyadoo magaalada Hargeysa hadda la soo gaadhsiiyey hal qof oo ku dhaawacmay dagaalkaa dhexmaray labada kooxeed ee Qaadlayaasha ah.

Ilaa hadda xog faahfaahsan kama ay soo saarin maamulka gobolka Daadmadheedh shaqaaqadan dhimashada sababtay.

Waxaana hada cusbitaalka magaalada hargeysa lagula tacalayaa xaaladiisa caafimaad mid kamida dadkii dhaawacu kasoo gaadhay israsaasayntu

 

Hargeysa Online