Qasnada wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo lacag laga jabsaday iyo Booliiska oo baadhaya.
Posted by abdi on March 20 2016 22:00:27

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa caddeeyey in Qasnada Wasaaradda la jabsaday isla markaana lagala baxay lacagtii shaqaalaha.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland ayaa caddeeyey in Qasnada Wasaaradda la jabsaday isla markaana lagala baxay lacagtii shaqaalaha oo laqu qiyaasay malaayiin shilling Somaliland ah.


Wasiir Cadaani oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inay ciidanka Danbi baadhistu gacanta ku hayaan kiisksan, waxaanay dhacdadani dhacday xilli wasiirku adkeeyey amaanka wasaaradda isagoo shaqaalahana ka mamnuucay inay soo galaan marka aanay shaqo lahayn.

Wasiir cadaani waxa kale oo uu ka hadlay baahintii tooska ahayd ee Telefishanka Qaranka oo fadhiisatay, waxaanu xusay isaga hortii inay ciladaasi dhacday imikana uu amray in la kiciyo.

Cadaani waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta oo maalmahan ba la hadal hayey.

 

Hargeysa Online