Taageerayaasha UCID ee GUULSAMEEYAYAASHA ahaa, Maxaa u Bannaan! .
Posted by ifraax on March 31 2016 10:34:01

Xisbiga UCID halka xaalkiisu marayo laba dhinac ayaan ka eegey. Waa mar ee “Xarafkii Alif Lagu Sixi Waayey, Waakaa AlBaqra Kaga Daba Yimi.


Extended News

Taageerayaasha UCID ee GUULSAMEEYAYAASHA ahaa, Maxaa u Bannaan!

Xisbiga UCID halka xaalkiisu marayo laba dhinac ayaan ka eegey. Waa mar ee “Xarafkii Alif Lagu Sixi Waayey, Waakaa AlBaqra Kaga Daba Yimi”. Hoggaanka xisbiga UCID mey yeelin taladu xiligii ay la taagneyd. Iminkana kii doonaa ha badiye, natiijadii la rabey marna soo bixi meyso.



Waa ta labaadee, marka an in muddo ahba maqlayey hadalada madaxda xisbiga UCID sida Feysal iyo Jamaal iyo Cali Gurey iyo kuwa kaleba, waxa an u fasirtey iney intooduba sidan door bidayaan iminka isaga oo mid walbaa dan gooni ah ka leeyahay!!!

Aniga aragtideyda aniga uun igu kooban, Feysal iyo Jamaal xisbiga doorkan ayey uugu eegtahay oo midkoodna ma sii joogayo xisbiga doorashada kal danbe dabadeed. Aniga oo weli rumeysan inu xisbiga UCID bilowgii ahaa xisbi labada xisbi ee kaleba ka harqad fiicnaa oo ahaa xisbi taageerayaal isku dhafan iyo dad badan oo niyadda ka jecel oo “progressive” ah heysta, hadana jaceylkaa iyo taageeradaa kumuu guuleysan inu u bedelo cod uu ku hanan karo hoggaanka dalka. Taasaa keentey inaanu xisbigu weli ka gudbin kaalintiisii saddexaad (No.3) markaa loo eego sida sadexda xisbi u kala taageerayaal badanyihiin.

Feysal xisbiga meel fiican ayuu soo gaadhsiiyey. Wax yaabaha uu xisbiga ku soo badbaadiyeyna waxa ka mid ahaa isaga oo kolba meel aan laga fileyn wax ka eegey oo xisbiga mar la isku qabsadey oo uu liicay oo uu hadana xulafo la galay Jamaal iyo colkii UDUB ka soo baxay. Taa lafteedu waa xirfad siyaasadeed oo ah marka wax kaa hor yimaadaan inaan la daawan uun ee hadba dhinac loo rogo oo aanad sugin inta xisbigu kugu dumayo.

Jamaal Xisbiga waxa uu ku soo kordhiyey firfircooni iyo iney dad badan oo dhalinyaro iyo reer magaal u badani u arkaan in UCID yahay xisbi meteli kara danahooda. Waxa uu xisbiga UCID taageerayaal badan ku leeyahay qurbaha oo ay dad badani ka taageersanyihiin. Taageerada iyo jaceylku wax badan tari maayo haddii aan loo rogin cod doorasho. Codkana waxa haya dadka caadiga ah ee dalka jooga oo loo baahnaa in af ay garanayaan lagula hadlo. Taasina mey dhicin.

Marka xaal halkaa marayo ee waxa Feysal iyo Jamaal waxa u hadhsanba yahay sannad iyo wax la mida, iyagiina ay u muuqato sida ay u eekaan doonto natiijada soo socotaa, waxa mid kastaa isku deyeyaa inu la yimaado dariiqa uugu faa’iidada badan ee u bannaan, amaba ka uugu niyad jabka yar ee uu sannadka u hadhey ku dhameysan karo.

Arintu ma taagna inu Feysal oo keli ihi xaalad abuurey balse muddo dheer ayey socotey oo xisbiga hoggaankiisu marna jaanta islamey qabsan. Waxey u eekaayeen niman midna dhaanto ciyaarayo midna botor tumanayo iyaga oo hadana hal gole ciyaarta looga tumayo. Cali Gurey wuxu ahaa Guddoomiye ku xigeen Xisbiga, hadana xisbiga ka madax banaan oo fikirkiisa shakhsiga ah ku socda oo ku hadla. Jamaal hadalkii uu laba maalmood ka hor yidhi, Feysal waxba uumuu hanbeysan oo Muse Biixi iyo Ina Aw Siciid wax xunba kamuu odhan ee hoggaanka xisbiga UCID ayuu wax u dhimey iyada oo dad badani hadalka Jamaal u fasirteen inu u jeedo Xisbiga Kulmiye uu Guddoomiyaha UCID u adeegsanayo burburinta xisbiga. Jamaal marka uu hadalkaa yidhi Feysal waxba uumuu reeban, waxaaney u muuqataa “Waxba Dhawran Meynee, Allow Dhagaxyo Soo Daadi”. Hadalka Jamaal kamey muuqan inu rajo ka leeyahay tartanka madaxweynaha, balse waxa ka muuqdey nin tilmaamaya fashilka xisbigu halka uu ka yimid ee taladii ka socon laadahay. Waxey u eegtahay iney Jamaal u muuqatey inaan arin halkaa ka sii socon Karin. Waxa kale oo uu Jamaal si dadban fariin uugu dirayey taageerayaashiisa oo uu lahaa saaxiibayaal anigu waan dedaalee, gudo iyo dibadba weerar ayaa igaga socda oo fashilka xisbiga yaan aniga hadhow la i saarin.

Feysal oo iminka yidhi Jamaal musharxba maaha, isaga laftiisu cidii uu doono ha soo sharxee uuma muuqdo inu rajo ka qabo in xisbiga UCID hoggaanka dalka inu hanto u tartamaya. Balse waxa uu rabaa inta uu xisbigu weli qiimaha sii leeyahay inu si kale wax u rogo oonu sugin inta uu ku dul burburayo.


Feysal taariikhda waxa uu ku geli doonaa, hoggaamiye khamaarka siyaasadda ku fiican oo khatar ku qaata inu maalinba meel cusub wax kaga eego oo yaqaan sida looga boodo maraakiibtu marka ay degeyso. Jamaal waxa uu dhameystey jaamacad cusub oo ka dhineyd oo ah nidaamka siyaasadeed ee dalkeena ka jira. Marka la isku daro shahadaada cusub ee uu ku qaatey duruustii uu bartey 6 sanadood ee u danbeeyey uuna geeyo shahaadadihii hore ee uu uu waxbarashada ku soo qaatey, waxa u furan fursad uu dalka wax badan ku biirin karo mustaqbalka.

Arinku iminka uu dhaafey maxaa Feysal laga yeelayaa iyo maxaa Jamaal laga yeelayaa. Labaduba waa laba nin oo Bidaar leh oo karfeedh isku heysta. Koodii karfeedhaa u hadhaa, timo uu ku feedho ma heysto. Waxa isweydiintu tahay, waxa ay yeelayaan taageerayaasha xisbiga UCID. Qofna jaceyl uuguma jiro ama uuma taagero shakhsi ama xisbi. Qofku waa GUULSAMEEYE waxaanu rabaa in codkiisu guul keeno. Haddii taageeraha ay u muuqato inaanu codkiisu guul keeneyn, dugsan maayo talo uu arko iney burbur soo waddo.
Maxaa markaa u banana taagerayaasha UCID? La SOCO


Allaa Mahad leh
Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
Qorane.bile@gmail.com