Xisbiga WADDANI Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Dhimista Uu Madaxweynuhu Ku Sameeyey Miisaaniyadda.
Posted by abdi on April 14 2016 21:45:20

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ahna Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee golaha Wakiilada Somaliland.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ahna Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamay in Miisaaniyadda Qaranka ee ay ansixiyeen Golaha Wakiiladu uu madaxweynuhu Siilaanyo Digreeto Madaxweyne ku dhimo isaga oo aan soo marin Golaha Wakiilada.


 

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey, ayaa dhinaca kalana labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ugu baaqay in khilaafyada mid kasta gudihiisa ka jira ay xaliyaan. Xildhibaan Buubaa waxa oo uu waraysigan kaga hadlay hadlay qadiyadda madaxbannaanida Somaliland isaga oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay in ay meel aad u daciif ah ka taagan tahay.

Ugu horreyn isaga oo ka hadlayey wareegtada uu dhowaan madaxweyne Siilaanyo ku dhimay miisaaniyadda, oo ku sababeeyey hoos u dhac ku yimid dakhligii la filayey abaaraha awgeed, waxa uu xildhibaan Buubaa yidhi, “In Madaxweynuhu Digreeto ku soo saaro kharash dhimis Miisaaniyadda Qaranka ah, iyada oo aan Golaha la hor keenin, waa sharci darro. Meelna sharciga kama soo gasho, haddii kharashka la dhimayo, oo wax laga bedelayo miisaaniyadda, waa in Golaha Wakiilada la hor keenaa, maxa yeelay Golaha Wakiilada ayaa sharci u leh, oo Dastuurku siiyey, oo markii horena ansixiyey Misaaniyadda, haddii uu isbedel ku yimaadana xaq u leh in la hor keeno, iyada oo waliba duruufta jirta iyo sababta keentay in kharashaadka Miisaaniyadda la dhimano, la soo raacinayo, laakiin Madaxweynaha waa la hoos dhigay warqada isna waa uu iska saxeexay”

Xildhibaan Buubaa oo sii wada naqdiga sharci ee wareegtadan ayaa sidoo kale ka hadlay dib u riixista uu madaxweyne Siilaanyo digreetadiisa ku sheegay in kharashka imika la dhimay la raacin doono miisaaniyadda sannadka dambe, waxa aanu yidhi, “Waxa kale oo cajiib ah oo wax aad loola yaabo ah, in ay xukuumaddu tidhaahdo kharashaadkii Qaranka lagu lahaa dib baa loo dhigay oo Sannadka dambe ayaa la bixinaya”

Afhayeenka waddani ahna guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland oo sheegaya sababta uu u diiddan yahay bixinta kharashka ee madaxweyne Siilaanyo sannadka dambe ku riixay ayaa sheegay in sida lagu wada aanay sannadka dambe xilka hayn doonin xukuumaddan hadda jirtaa oo ay imanayso xukuumadda dambe ee doorashada ku soo baxdaa, sidaa awgeed uu kharashkani noqonayo deyn lagu wareejiyo xukuumaddaas timaadda, waxa aanu ku adkaystay in dawladdu ay miisaaniyadda sannadkan deynta ka bixin karto, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Ilayn Xukuumaddani sannadka dambe xilka ma hayso ee ma waxay la sugaysaa kharashaadkaas iyo dayntaas xukuumadda dambe ee dhalaynaysa, waa su’aal mudan in la is weydiiyo. Waxaana dhab ah in ay imika bixin karto, balse raali kama ah, mana doonayso inay bixiso daymaha lagu leeyahay”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa mar uu ka hadlaayey warkii dhowaan ay soo saareen waftigii Masar ee Somaliland yimid oo sheegay in dalkoodu uu ka shaqaynayo midnimada Soomaaliya, diblumaasi ahaanna taageerayo in aanay kala go’in, waxa uu yidhi “Khalad baa ay ahayd in cid aan raali ka ahayn ama aan ogolayn madax bannaanida Somaliland ay dalkeena yimaddaan, laakiin difiicnimada Xukuumaddan iyo meeqaamka hoose ee ay gaadhsiisay qadiyadii madaxbanaanida Somaliland ayaa keentay in la innagu soo dhiirado, oo waliba dalkeena la inoogu yimaado oo la inoola yimaado midnimo Soomaaliweyn”

Ugu dambayntii Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa baaq u diraay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID oo uu sheegay in mid kasta gudihiisa uu khilaaf ka jiro loona baahan yahay in ay dhexdooda xallistaan, waxa aanu yidhi, “Xisbigii UCID waa uu is haystaa, KULMIYE  waa la mid oo uu is haystaa, labaduba khilaafyo ayaa ka jira, oo waa kuwaas madaxdii xisbiga eryaya, waxaan marka hore leeyahay labada Xisbi, Xisbiyadu waa hanti uu qaranku leeyahay, oo Bulshada ayaa wada leh, waxa aanan Bulshada Somaliland ka tacsiyadeeynayaa khilaafyadaas ka jira labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.

Waxa aan labada xisbina kula talinayaa in ay joojiyaan khilaafyada, oo ay ku kala baxaan sharci iyo shuruucda ay leeyihiin ee u yaala, haddii kale oo ay ku qanci waayaan waa inay Dastuurka dib u eegaan, oo ay ku kala baxaan, laakiin wakhtigan lama qaadi karo khilaafyo ee joojiya khilaafyada ayaan idin kula dardaarmayaa.

 

Hargeysa Online