Saylici oo sheegay inuu Xisbiga Ucid Saaxada Siyaasada ka bixi doono.
Posted by abdi on April 14 2016 21:52:10

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa waxaa uu ka hadley khilaafka furka tuuray ee ka dhex taagan masuulyinta ugu sar sareysa xisbiga UCID.


Extended News


Hargeysa (Hargeysa Online)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa waxaa uu ka hadley khilaafka furka tuuray ee ka dhex taagan masuulyinta ugu sar sareysa xisbiga UCID.

 

Muddane Saylici ayaa waxaa uu sheegay in ay saaxada ka baxayaan 2 xisbi iyo wax ka badani inta aynu bar baradka ku nahay dumuqraadiyada isla markaana ay iskaga keen khaldan yahiin dumuraadiyada iyo qsayliciabiilki isaga oo arintani ka hadalayana waxaa uu yidhi

” Waxaan kuu sheegayaa mid baa innaga burburay laakiin mid, laba iyo tobanba way innaga burburayaan inta aynu dimuquraadiyadda aynu baranayno ee aynu curdinka dhaafayno ee aynu gaadhayno in fikir la isku raaco laguna kala duwanaado laakiin intaynu bar baradka nahay toban iyo ka badan ayaa innaga bur buraya oo saaxadda ka baxaya.

laakiin aakhirka sodonka iyo illaa afarta sanno ee soo socda ka dib marka ay xisbiyada dadku ku kala doortaan kuna kala taageeraan aragtiyo kala duwan ayay saldhigaan oo ay xisbiyadu cagahooda isku taagayaan laakiin inta ay qabiilka iyo dimuquraadiyadu isu keen saaran yihiin way wada bur-burayaan oo marna qaar kale ayuun baa soo baxaya,” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey hadalkiisii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici

Hargeysa Online