Dooni ku Qaraqantay Badda u Dhaxaysa Masar Iyo Italy oo ay ku Geeriyoodeen 460 qof .
Posted by ifraax on April 17 2016 22:35:11

Alle ha unaxariistee Waxaa shalay ku Geeriyooday Badwaynta Mediterranean-ka ee uu Dhaxaysa Masar Iyo Italy Dad Gaadhaya 460 qof.


Extended News
Qahira (Hargeysa Online)Alle ha unaxariistee Waxaa shalay ku Geeriyooday Badwaynta Mediterranean-ka ee uu Dhaxaysa Masar Iyo Italy Dad Gaadhaya 460 qof oo Uu Badnaa Ubaxi Gobolka Togdheer Iyo Hargeisa.

Doon siday tahriibayaal badan  isla markaan Laba Todobaad Ka Hor ka baxday magaalada Alexandiraya ee dalka Masar ayaa waxay ku dhacday Biyaha Udhexeeya Giriiga Iyo Talyaaniga  Waxaana La Sheegay In Doontani Ay Ka Shiraaqatay caasimada labaad ee dalka masar Ee Alexandria oo ah meesha inta badan ay ka baxaan doon yahay tahriibka ee ku siijeeda dalka Talyaaniga.

 

Ku dhawaad 460 Qof oo ah dadkii ka tahriibay Dalka Masar ayaa Ku Geeriyooday Badweynta. Kadib markii ay isku dhaceen, Doonta Dadka Waday iyo Laash ka mid ah. Kuwii usoo gurmanayey tahriibayaasha, Doonta waxaa saarnaa 500 oo qof dad ka badan

Halkan hoose ka akhri qaar ka mid ah dadkaas Somalilada ah ee ku jiray muhaajirintaas ku naf waayey  doontaas xalay ku degtay  bada

 

Hargeysa Online