Dawlada Mareykanka oo Abaal Marin Kusiisay Gabar Soomaalida Kenyanka ah.
Posted by abdi on April 23 2016 22:30:27

Gabadhaa oo lagu magacaabo Caasha Xassan kana soo jeeda degmada Gaarisa ayaa dawlada Mareykanku abaal marin kusiisay.


Extended News

Gabadhaa oo lagu magacaabo Caasha Xassan kana soo jeeda degmada Gaarisa ayaa dawlada Mareykanku abaal marin kusiisay dowr ay ka qaadatay wacyiga ku aaddan la dagaalanka argagixisada dagmadaa.


Caasha Xassan oo jirta 24 ayaa waxay heshay abaal marinta loo yaqaano Hoggaamiyeyaasha Da'da Yar ee Soo Baxaya 2016 asbuucii tagay taasoo ay siisay Wasaarada Arimaha Dibada ee Mareykanka, Caasimada Mareykanka ee  Washington DC.

Caasha waxay ka mid ahayd toban qof oo dhallin yaro ah oo laga soo xushay daafaha caalamka oo idil oo ku guuleystay abaal marintaa.

Caasha ayaa sidoo kale horkacda koox dhallinyaro ah oo ka shaqeysa wadahadalka iyo nabadeynta. Caasha ayaa sheegtay in kadib markii ay garawsatay khaladaadka kooxda Alshabaab ay go'aansatay in ay wacyigalin ka dhan ah argagixisonimada abuurto.

Hargeysa Online