Maxamed Biixi Yoonis oo beeniyey inuu ka baxay Isbahaysiga kulmiye.
Posted by abdi on April 23 2016 22:37:00

Siyaasi maxamed Biixi yoonis oo hore uga tirsanaan Jiray Xukuumada Siilaanyo ahaana Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Siyaasi maxamed Biixi yoonis oo hore uga tirsanaan Jiray Xukuumada Siilaanyo ahaana Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda, haatana ka tirsan Garabka Isbahaysiga Dimuquraadiyad Doonka ah ee Xisbiga Kulmiye ayaa beeniyey warar sheegaya inuu ka baxay garabkaasi, sidaasina waxa uu ku sheegay Warbixin uusoo dhigay Barta Facebook-ga uu ku leeyahay  waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan.


Dhamaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waan salaamayaa, waxaanan Ilaahay s.w.c uga baryayaa bash-bash iyo barwaaqo inuu siiyo.

Marka xiga waxa aan beeninayaa warar aan sal iyo raadtoona lahayn, oo ku soo baxay bar-kulan-nada bulshadu ku wada xidhiidho qaarkood (Social Communication Media Networks).

Warkaasi waxa uu sheegayay in aniga oo ah Maxamed Biixi Yoonis, kana mida siyaasiyiintii saluugay afduubkii xisbiga Kulmiye ka dhacay 10. Nov. 2016 ka, in aan ka baxay Isbahaysigii Dimuqraadi-doonka Xisbiga Kulmiye.

Waxa aan leeyahay kamaan bixin Isbahaysiga Dimuqraadidoonka Kulmiye, sabab aan uga baxaana meesha mataalo. Wixii aanu saluugnayna waa sideedii oo wax isbadalay ma jiraan.

Markaa waxa aan kula talinayaa bahda saxaafadda guud ahaanteed in ay ka waantoobaan wararkaas aan salk iyo raadka toona lahayn ee ay qaar ka mid ahi faafinayaan.

Allaa mahadleh, Mawlaha khalqiga.

 

Waad mahadsantihiin

Hargeysa Online