Baarlamanka Cusub ee Somalia kuma biirayno Puntlandna wax nooma xuli karto.
Posted by abdi on April 25 2016 01:16:20

Madaxweynaha Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay in Puntland aanay wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada cusub.


Extended News

Madaxweynaha Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay in Puntland aanay wax shuqul ah ku lahayn soo xulista xildhibaannada cusub ee ka imaan doona deeggaannada Khaatumo ka soo jeeda. Prof. Cali Khaliif oo u Warramayay VOA-da, ayaa sheegay in Maamulkiisu aanu xubno ku yeelan doonin Baarlamaanka cusub ee Somalia ay yeelan doonto daba-yaaqada sannadkan. Sidoo kale, Hadalka Galeyr ayaa jawaab u ahaa hadal uu Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo sheegay in Isimada Puntland ay soo Xuli doonaan Xildhibaannada ka imaan doona gobollada Sool iyo Sanaag. "Warka uu sheegay C/weli Gaas, innaga nama khuseeyaan, balse waa Runtiis in sannadkii 1998-kii waxgaradka iyo odayaasha gobollada Sool iyo Sanaag in ay ka Qayb-galeen shir lagu qabtay Garowe, wixii laga rabay maamulkaasna waa laga waayay, balse waxaa kaddib dhacay shirar ay bulshada gobolladaan ka soo jeeda ay ku yeesheen degmada Taleex oo ay aayahooda uga tashadeen," ayuu yiri Cali Khaliif. Madaxweynaha Khaatumo ayaa la weydiiyay in la isla gartay in Puntland ay soo Xubnaha Baarlamaanka uga qayb-galay ay soo xusho, Arrintaas sideed u aragtaa, Wuxuuna Galeydh Su'aashaas kaga jawaabay.

Hadduu leeyahay Maamul, innaguba waa leenahay maamul, wax uu noo xuli karaanna ma jirto, meel uu wax ka xuli karana ma jirto, 10-oday oo uu u yeertana waxba uma tarayaan... Waxaana leennahay talaadeenna waa mid aanu innagu leennahay, mana ka yeelaynno inuu xubno noo soo xulo, cid nagu khasbi kartana ma ay jirto... arrimahaas ayaana keenay inaan xiriirkii u jarno dowladda Soomaaliya, wax naga dhexeeyana ma jiraan." Prof. Galeydh ayaa waxaa kaloo la weydiiyay su'aal kale oo ahayd mar haddii aad Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Somalia Duraysaan, xagee baad u socotaa, yaadse gartiinna u dhiganaysaan - ayuu kaga jawaabay mar kale. "Innagu cidda aan u Gar-dhiganaynaa - waa ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna na tusay in gobolladii Ingiriisku gumeysan jiray inaysan maamulkiisan waxba ku lahayn. Puntland iyo Dowladda Federaalka danteenna ayaanu wixii waqtigan ka dambeeya ka raacanaynaa, inta dadku ka miyir-sanayaan innaga ayaana hawsheenna sii wadanayna." Dhanka kale, Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo mar kale la weydiiyay wuxuu xal u arki lahaa, ayaa wuxuu kaga jawaabay. "Waxaan xalka u arkaa Arrinta Soomaalida ayay u tallaa, illaa ay ka Tashanayaan Arrimahoodana Dan Soomaaliyeed lama gaarayo, waa kaas halka aan ka taaganahay." Prof. Galeydh ayaa hadalkiisa ku sheegay inaysan ka qayb-gelayn Baarlamaanka Cusub ee Federaalka. Haddiise Xukuumadda Federaalka ay u aragto in Puntland ay xildhibaannada u soo xusho, innagu waxaanu taas ka leennahay colaadda iyo nacaybka bulshada dhex-yaalla maamulkaas wuu sii fogeynayaa. Ugu dambeyn, Prof. Galeydh ayaa sheegay in cid walba haddii loo oglaado inay soo xulato Xildhibaannadeenna waan ka qayb-galaynaa, laakiinse sida arrintu haatan ay u muuqato ay sii ahaato, xaq baan u leennahay inaan oranno kama qayb-galayno.

Hargeysa Online