Dadweyne Careysan oo Hoteel uu Buuhoodle ka degenaa ku weeraray Cali khaliif galaydh.
Posted by ifraax on April 27 2016 21:50:33

Dadweyne careysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa  Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.


Extended News

Dadweyne careysan ayaa saaka hoteel uu Buuhoodle ka Deggenaa  Prof. Cali Khaliif Galeydh ku Weeraray, inkastoo aanay jirin wax khasaare ah oo weerarkaas ka dhashay.


 Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa lagu soo waramayaa in weerarkan maanta ay geysteen dad deegaanka ah oo careysan, iyadoo xustay in rasaas lagu furay hoteelka uu Galeydh ka deggenaa degmada Buuhoodle. “Falka lagu weeraray Prof. Cali Khaliif Galeydh ayaa waxaa sababay, kaddib markii uu dhegaha ka fureystay dalab shacabka Buuhoodle uga yimid oo ahaa inuu isaga baxo degmadooda, haatanna waxaa socda kulammo lagu qaboojinayo xiisaddaas.

Wararka ayaa sheegaya in shacabka deegaanka ee weeraray Hoteelka uu Cali khaliif Khaatumo ka deggen yahay Buuhoodle ay dalbanayaan inuu ka baxo magaaladaas, inkastoo weli uu Prof. Galeydh ku sugan yahay Buuhoodle. “Dadku waxay dalbanayaan inuu Prof. Cali Khaliif ka baxo magaaladooda, iyagoo ku an-dacoonaya in deegaannadii uu horay ugu sugnaa ay dhawr jeer qabsadeen qaar ka mid ah ciidamada Somaliland, waan taas midda ay ku dalbadeen inuu Buuhoodle isaga baxo,” ayay yiraahdeen dad ku sugan degmada Buuhoodle oo dhankooda la hadlay Warbaahinta. Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga go’aanka kazoo bixi doona kulammada xiisada lagu Qaboojinayo ee ka socda Buuhoodle, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Prof. Cali Khaliif lagu weeraro hoteel uu kaga sugnaa deegaannad uu maamulka Khaatumo ka taliyo. 

Hargeysa Online