Guddiga diiwaan-gelinta ururada siyaasada oo ka hadlay Dacwo loosoo Gudbiyay.
Posted by ifraax on April 27 2016 22:01:40

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta axsaabta Somaliland C/risaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaalle).


Extended News

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta axsaabta Somaliland C/risaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaalle), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwad ay usoo gudbiyeen musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka dhan ah gudoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe.


Guddoomiyaha Guddiga Diiwaan-glinta Ururrada Siyaasadda, Cabdirisaaq Jaamac Cumar [Ciyaalle], ayaa sheegay in Dacwadaasi hor-taallo, isla markaana ay la sugayeen inta dib loogu ansixinayo inay sii shaqeeyaan iyo in kale, taas oo shalay markii loo ansixiyey inay sii shaqeeyaan  ay warbaahintu wax ka waydiisay dacwadda hortaalla.

Sidoo kale, Ciyaalle ayaa Tilmaamay in Dacwadaasi si deggen oo Wanaagsan ku dhameyn doonaan, waxanu xusay inaanu doonayn in xisbiyada Qaranku burburaan.

“Dacwadaasi waa ay noo taalla, waxaanu sugeynay inta lana ansixinaayo si aanay hadhaw toole aanay uga imanin daba filiq, waxaana ay arntaasi ka mid tahay xilka la noo igmadey insha alleh waxaanu u dhameyn doona sida ugu wanaaga badan ee qaranka looga ilaalin lahaa in aan xisbi kale bur burin” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah Cabdirisaaq Ciyaale

Garabka Musharax Jamaal Cali Xuseen, ayaa dacwad ka dhan ah gudoomiyahoodda Faysal Cali Waraabe u gudbiyey guddidan, ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay labaddan masuul ee xisbiga ka wada tirsan.

Baarlamaanka Somaliland ayaa muddo laba sanno ah u kordhiyey guddida Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Meel-marinta Asxaabta iyo Guddiga la-dagaalanka Musuq-maasuq oo muddo xileedkooddii dhamaaday.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Golaha Wakiillada ka Codsaday in muddo laba Sannadood ah loo kordhiyo labada guddi kaddib markuu muddo xileedkoodii oo 5-sano ahaa dhamaaday, waxaanay xildhibaanaddu cod ku meel mariyeen ansixinta labadan Guddi.

 

Hargeysa Online