Wasiirka Madaxtooyada Oo Sharaxaad ka Bixiyey Kulan Ay Nairob ku yeesheen Wafti ka Socday Somaliland.
Posted by ifraax on April 27 2016 22:09:10

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixyey kulan ay magaalada Nairobi kula yeesheen isaga iyo masuuliyiin.


Extended News

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sharaxaad ka bixyey kulan ay magaalada Nairobi kula yeesheen isaga iyo masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland Wakiilo ka socday Midowga Yurub.


Wasiir Xaashi ayaa faahfaahinyey Qodobo afar ah oo ay isla qaadaa dhigeen Waftiga Somaliland iyo safiiradaasi, waxaanu xusay inay Safiiradaasi u cadeeyeen in Somaliland aanay ka mid ahayn nidaamka doorasho ee ka socda dalka Soomaaliya ee sanadkan 2016-ka.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sheegay in madaxda Midowga Yurub ay ka wada xaajoodeen arrinta Seeraha Banka Qoolcaday, saamaynta abaarihii dalka ku dhuftay iyo qabyo tirka hanaanka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Wakiilada ee qorshaysan in dalka laga qabto sanadka 2017-ka.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa arimahaasi ku sharaxay hadal qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Face-book, kaas oo u dhignaa sidan :-

“ Waxaanu kula kulanay xarunta Safaarada dawladda Denmark ay ku leedahay magaalada Nairobi ee wadanka Kiiniya qaar ka mida Safiirada midowga yurub ee aynu wada shaqaynta dhaw leenahay. Madaxdaas waxaanu ka wada hadalnay arrimo badan oo ay bar tilmaameed u tahay Doorashooyinka Somaliland ka dhacaya March sanadka 2017-ka. Sidii doorashooyinkaas layskaga kaashan lahaa loona qabyo tiri lahaa, iyo wadamada qaadhaan bixiyeyaasha gaar ahaan Midowga Yurub oo aanu uga mahad celinay doorka ay ka qaataan doorashooyinka iyo Dumuquraadiyada Somaliland. iyo inay lacagta qaybta hadhay wakhtiga ku haboon ay bixiyaan. Daabacaada khaadhadhka Cod-bixiyeyaasha, qaybintoooda, iyo kharasha Doorashada  qaybta ku hagaagtay dawladdu inay bixisay ayaanu u sheegnay iyo qaybo dheeraad ah oo ay duruufo keeneen oo ay ku kabtay, kuwaas oo aan hore miisaaniyada ugu jirin. Xukuumadda Somaliland waxa ay bixin doontaa ilaa Laba milyan oo dollar oo dheeraad ka ah lacagtii kharashka doorashooyinka ee loo qorsheeyey inay bixiso oo ahayd 25%.( Boqolkiiba shan iyo laabaatan). Midowga yurub-na inay intoodii bixiyaan, iyo guud ahaan sidii doorashada iyo xeerarka ka dhiman loo dardar galin lahaa.”

“ Qodobka labaad ee aanu kala hadalnay safiiradaasi ayaa ahaa wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo waftigu uu u cadeeyey safiiradaa in Somaliland aanay ka mid ahayn nidaamka doorasho ee ka socda Soomaaliya ee 2016-ka, Nidaamka fadaraalka, Xildhibaanada la cugayo, Somaliland dhamaan arrimhaasi kama mid aha.Waxa kale oo aanu ka hadalnay wadahadaladii iyo qorshaha Somaliland ugu meel yaala oo aanu ugu waranay.”

“ Qodobka sadexaad ayaa ahaa waxa shirka fadhiyey dalka Denmark iyo Hay’ada DFID ee deeqaha iyo horumarinta u qaabilsan dawladda Ingiriiska oo ah Hay’adaha maal galinayna mashruuca Qoolcaday ee maalintii dhawayd isku dhacu uu ka yimid, Isfahan la’aantuna ka soo baxday, mashruucaas iyo hir galintiisa oo ay aad u daynaynayeena waanu kala  hadalnay, iyo in si masuuliyad leh loo xaliyo khilaafaadka ku xeeran isla markaana bulshada meesha dagani ay mashruucaasi ugu faa’iidaysan lahayd.”

“ Qodobka Afaraad ee aanu kala hadalnay ayaa ahaa Abaarahii iyo saamaytii ay inagaga tageen, dadkii xooluhu ay ka baxeen iyo kuwii ay beeruhu ka baaba’een in wali dadkaasi ay xaalad adag ku jiraan una baahan yihiin in la xooleeyo kuwa kalena beerahoodii loo tabco, waxaanu u sheegnay in Dawladda Somaliland ay midowga Yurub ka eegayso kaalmo arrimahaasi ku adaan. Waxa kale oo aanu u sheeganay inay naga go’an tahay sidii xidhiidhka midowga yurub iyo Somaliland kor loogu qaadi lahaa. Anagoo si wayn ugu mahad naqnay wadamada maal galiya mashruuca SSDF, iyo mashruuca kale ee biyo balaadhinta caasimada ee midowga yurub ee maalgaliyo.”

Keesta kale waxa aanu la kulanay ku xigeenka Wakiilka midowga Yurub ee u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi, isagana waxaanu kala hadalnay in Xildhiidhka Midowga Yurub iyo Somaliland kor loo qaado. Arrimaha Dumuquraadiyada iyo doorashooyinka.”

Dhinaca Somaliland waxaanu ahayn

1.  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

2. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi

4. Wakiila Somaliland ee Kiiniya Mudane Cabdilaahi Dhakaar.

Dhinaca Midowga Yurub

1. Mette Knudsen,      Ambassador, denmark

2. Kira Smith, deputy head of mission, Denmark

3. Tijmen rooseboom, Aeputy ambassador, Netherlands

4. Anne marinussen, Deputy ambassador to Somalia, Netherlands

5. Pauline seen, Head of Economic Humanitarian section, DFID

6. Angus Miller, Adviser, DFID.

Wa Bilaahi Tawfiiq