Wasiirka Arrimaah Dibada oo Sheegay in lacag 15 Milyan oo Dollar Imaaradku Xaqul qali u siiyeen.
Posted by ifraax on May 10 2016 19:26:27

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Heshiiskii dhex maray Somaliland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa online) Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay Heshiiskii dhex maray Somaliland iyo Imaaradka Carabta ee ay ku kala saxeexden Dib u dhiska Dekeda Berbera.


Wasiir Sacad oo saaka ku soo laabtay dalka ayaa sheegay in Dawlada Imaraadku siisay Somaliland lacag xaqulqalin ah oo gaadhaysa 15 Milayn oo Dollar, waxanu sheegay in lacagtaasi lagu tallo galay in dekeda Berbera loogusoo iibiyo Xadhka soo jiida Maraakiibta caalamiga ah.

Wasiir Sacad waxa kale oo uu ka jawaabay in Ganacsade Cabdiraxman Boore uu ahaa Masuulkii Fududeyey heeshiska Imaaradka iyo Somaliland basle waxa uu tilmaamay in uu Cabdiraxman Boore ay ku kulmeen Hutel ku yaalla Dubia balse aanu heshiiska Fududeeye ka ahayn.

Wasiir Sacad waxa kale oo uu sheegay in shaqaalaha dekedu sidooda ahaanaya oo aana la bedelayn.

Hargeysa Online