Kolla Waari Maayee Abtoow Weris Ha Lay Raacsho !
Posted by ifraax on May 15 2016 11:07:39

Faras Aan Somaliland Bixin Ma Bixin Karee Bal Aan Somaliland La Hadalno". Taas Oo Macnaheedu Ahaa Faras Lagu Siinayaa Iska Yar.


Extended News

Faras Aan Somaliland Bixin Ma Bixin Karee Bal Aan Somaliland La Hadalno". Taas Oo Macnaheedu Ahaa Faras Lagu Siinayaa Iska Yar.!!!

 Nin Ayaa Doonay Inoo Guursado Gabadh Suldaan Dhalay , Gabadhi Marku Is Idhii Suldaanka Ka Doon Ayaa Sharad Suldaanki Ku Xidhay Waxaano Yidhi Suldaanku : Abtigaa Yaradka Yuu Ka Hadhin Oo Haddaanu La Socon Gabadh Cidi Ku Siin Mayso!

Colaad Baa Geyiga Saamaysay Oo Suldaanka Iyo Abtiga Waxaa Dhex Yiiley Xurguf Fara Badan Oo Nin Door Ku Idlaaday. Ninki Talo Ayaa Ku Caddaatay Oo Wuxuu Sameeyo Ayuu Garan Waayey Sababtoo Ah Niman Col Ah Faras U Kala Qaadkoodu Lama Quruxsanayn Balse Waxaa Ka Adkaatay Doonistii Gabadha.

Ninki Abtigiis Ayuu U Yimi Oo Yidhi Abti Faraskaasaan Kaaga Fadhiyaa Oo Gabadhii Lagu Xidhay. Abtigiis Baa Yiri"Abti Ma Ogtahay Colaadda Nimankaa Na Dhextaal". "Haa" Buu Yiri Ninki . Abtigiibaa Yidhi

"Faras Aan Somaliland Bixin Ma Bixin Karee Bal Aan Somaliland La Hadalno". Taas Oo Macnaheedu Ahaa Faras Lagu Siinayaa Iska Yar.!!!

Hadaba Waxaan Maanta Anigu Taaganahay Talo Waa Mar Aad Adigu Kaligaa Wadatid Ee Dantaada Tahay Iyo Mar Lagula Wato Ay Dan Wadaag Tahay , Marnaba Kali Kuma Noqon Kartid Goob La Wada Dhistay ! Marnaba Qof Cadaalad Arkayaa Cadaalad La'aan Kuma Jiro Karo O Maroonbo Xukunku Dhici Doona !

Mise Waa Waarimaysidee War Ha Kaa Hadho ! Dulqaadka Iyo Samirkuba Waa Sad Allah Baxshee E Marnaba Ha U Malaynin Inaan Hadhay Amma Aan Hadhi Karo !.

Waxba Yaan Wasiir Xiimayaa, Xeeb U Dhaadhicine

Waxba Yaan Xawaalad Iyo Jeeg, Lala Xawaarayne

Waxba Yaanu Raadiyoowga DUBAI , Dhab U Xayaysiine

Ninna Maanta Xiiso Uma Qabo, Xaafidkii Hore'e

Dhaaxaad Ku Xawxawsateen, Xoolo Booliyahe

Nin Walboow Xusuusnoow Dhaqsaa Loo Xisaabtamiye.!!!!

 

Samia Muse