Hawlgalka AMISOM oo Waqtigiisa la Kordhiyay.
Posted by abdi on May 15 2016 21:05:17

Wareegto lagu qoray barta internetka ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in go'aan lagu kordhinaayo mudada ciidamada AMISOM ay joogayaan gudaha Soomaaliya.


Extended News

Wareegto lagu qoray barta internetka ee AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in go'aan lagu kordhinaayo mudada ciidamada AMISOM ay joogayaan gudaha Soomaaliya la gaaray oo waxaa ay sii joogayaan ilaa 30ka bisha 5aad ee 2017.


 Go'aankaas oo la gaaray Arbacadii aanu soo dhaafnay ayaa waxaa uu la macno yahay in 22,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah oo jooga Soomaaliya ay sii joogi doonaan Soomaaliya 12 bilood oo kale oo hada wali dhimman.

Midowga Afrika ayaa go'aankaasi qaatay walow Midowga Yurub uu dhawaan dhimay lacagihii uu ugu deeqi jiray AMISOM ilaa 20%.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay Midowga Yurub inuu dib uga noqdo go'aanka ku aaddan dhimitaanka qarashaadka uu ugu deeqo AMISOM..

“Anagoo kaashaneyna Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa AMISOM waxay sii wadi doontaa jebinta maleeshiyada Al-shabaab waxaana fursad usiin doonaa dadka Soomaaliya inay ku naaloodaan nabad iyo amni,” maamulka AMISOM ayaa sidaa sheegay.

Al-Shabaab ayaa hawlgalo maqaawimo ah ka waday gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2006.

Hargeysa Online