Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Oo Gaadhay Washinton
Posted by abdi on May 19 2016 11:19:18

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Mudane Rashiid Gaaruf iyo Guddida Jaaliyadda Somaliland ee Washington iyo Virginia.


Extended News

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Mudane Rashiid Gaaruf iyo Guddida Jaaliyadda Somaliland ee Washington iyo Virginia ayaa maanta soo dhoweeyey Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Xafladdan oo ay ka qaybgelayaan fanaaniin kala duwan oo uu ka mid yahay Nuur Daalacay ayaa sidoo kale lagu casumay xubno ka socda Dawladda Maraykanka.Jimcaha habeenka Sabtidu soo gelayso.Waxaa qabsoomi doona shir uu soo agaasimay wakiilka Somaliland ee Maraykanka kaas oo la filayo inuu dhaco maalmaha Jimcaha iyo Sabtida halka Jaaliyadda Somaliland ee Washington, Virginia iyo Maryland ay Iyana qabanqaabiyeen xaflad aad u ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo xuska 25aad Guurada Somaliland taas oo dhacaysaGuddoomiyaha iyo madax kale oo Iyana la filayo inay soo gaadhaan Washington ayaa la filayaa inay ka qayb galaan munaasibado lagu xusayo 25 guurada Somaliland.