Millateriga Dalka Masar oo Sheegay in ay Heleen Qaybo ka mid ah Bur-burka Diyaaradii Egypt Air.
Posted by ifraax on May 20 2016 23:48:12

Millateriga Dalka Masar, ayaa sheegay Maanta inay Badda Mediterranean-ka ka heleen Qaar ka mid ah bur-burkii Diyaaraddii Egypt Air.


Extended News

Millateriga Dalka Masar, ayaa sheegay Maanta inay Badda Mediterranean-ka ka heleen Qaar ka mid ah bur-burkii Diyaaraddii Egypt Air ee la waayay shalay, iyagoo xaqiijiyay inay diyaaraddu ku dhacday Mediterranean-ka.


Saraakiisha Masar - oo Jimcaha Maanta ah Magaalada Qaahira kula hadlayay Warbaahinta, ayaa sheegay in la helay alaabooyin ay wateen dadkii rakaabka ahaa ee diyaarada la socday Qaarkood, kuwaasoo Tiradoodu ahayd 56 u dhashay Faransiiska iyo Masar iyo 10-shaqaale ah oo dhammaantood Masaari ahaa.

Ciidamada Badda Dalka Masar, ayaa sheegay inay Burburkan ka heleen meel 290-KM uga beegan Dhanka Waqooyi Magaalada Xeebta ku taalla ee Alexandria, iyadoo intaa ku daray inay hadda baadi-goob ugu jiraan Sanduuqii madoobaan ee diyaaradda.

Madaxweynaha Masar,  Adbel Fattah al-Sisi ayaa tacsi u diray ehellada rakaabkii la socday diyaaradda iyo shaqaalihiiba, kuwaasoo uu xaqiijiyay inay ku jireen laba ka mid ah saraakil ka tirsan Xukuumadda Masar.

Inkastoo Kooxaha Islaamiyiinta ah Faraha lagu Taagayo, haddana ma jirto cid sheegatay in ay mas’uul ka tahay dhicida diyaaradan, taasoo nooceedu ahaa Airbus A320, isla markaana uu Duullimaadkeedu ahaa MS804, Waxaana la Waayay Khamiistii Shalay Markii ay kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Magaalada Paris ee xarunta Faransiiska, iyadoo ku socotay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Qaahira ee xarunta Waddanka Masar.

Warbixin ay baahiyeen saraakiil ka tirsan garoonka diyaaradaha Qaahira ayaa iyana xusay in Qaahira ay maanta oo Jimco ah gaareen, saddex khabiir oo Faransiis ah si ay gacan uga geystaan baaritaannada diyaaradda Egypt Air ee la la’yahay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Sherif Ismail ayaa Khamiistii shalay ahayd sheegay inaan si rasmi ah looga warbixin karin musiibada. Dhanka kalena, Wasiirka Duulista Dalka Masar ayaa sheegay inay shaki ka qabaan in falkan uu yahay mid kooxaha argagaxisada ah ay ka dambeeyaan, balse ay dhici karto inay tahay cilad farsamo.

Illaa hadda, ma jirto Sharraxaad dheeraad ah oo laga bixiyay sida uu Burburkan ku dhacay, iyadoo kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama buuraleyda Gobolka Siinaay ee Masar ay Sheegteen mas’uuliyadda Burburkii diyaaraddii Ruushku lahaa oo dhacday wax yar kaddib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Alexandria, iyadoo ku socotay dalka Ruushka.

Dhanka kale, Diyaaradii Ruushku lahaa ee ku dhacday Masar ayaa waxay sabab u noqotay inay yaraadaan Dalxiisayaashii booqan jiray dalka Masar, iyadoo dhaqaale badan ay Masar ka heli jirtay Dalxiiska.

Ugu dambeyntii, Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Washington ayaa sheegay inay ku jiraan Baaritaannada Diyaaradda Egypt Air ee maqan, aysanna jirin weli calaamado muujinaya in diyaaraddan ay dhacday ama burburtay.

Hargeysa Online