Si Ad U Garato Halka Ad Ku Socoto Wax Ka Ogow Halka Ad Ka Timid
Posted by xaaji on May 22 2016 11:33:04

Waxa an Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii.


Extended News

Waxa an Hargeisa imid iyada oo dalka lagu jirey dhowr bilood 1991-kii. Waxaana an ka bilaabey shaqo mushaharkeedu yahay $400 bishii. Waxey aheyd mushahar uugu sareeya ee xiligaa qof qaadan jirey. Dalku sida uu dhanyahayba qof mushahar qaataa muu jirin, marka laga reebo dhowr qof oo hey’ado u shaqeyn jirey mooyaane. Madaxweyne ilaa Wasiir iyo Taliye Ciidan ilaa Xildhibaanka Golaha Dhexe ee SMN ka tirsanaa, muu jirin qof hal shilin oo mushahar ah qaadan jirey, haddey bil noqoto iyo haddey sannad noqoto iyo afar sanadood noqotaba. Bal adigu ka warran ummad dhan oo dawlad ah, oo ciidan leh oo bileys leh oo wasiiro leh, oo macalimiin leh oo dhakhtaro leh, oo dawladda hoose leh, oo jeel maxaabisi ku xidhantahay leh, oo maxkamado leh, oo idaacad aroor iyo habeenba hadasha leh, oo hadana aanu ku jirin hal qof oo mushahar qaataa. Dadkaasi sida ay dhanyihiin wey soo shaqo tagaan aroor kasta 8-da ilaa duhurkana wey shaqeeyaan. Waxaa shaqo socota, marna arrin lacag la yidhaa sheekada muu soo geleyn. Sidaasi oo ay tahay, hadana shaqaalaha dawladda waa la xukumi jirey, oo amar ayaa la isasiin jirey.

Dawlad waxa an maanta u naqaanaa, Xafiis, Mas’uul qurux badan, Daar qurux badan, Gaadhi, Amar la kala qaato, Mushahar la bixiyo, Warqad la Saxeexo, askar madaxda ilaalisa. 1991 ilaa 1994, mey jirin daar dawladi leedahay oo xafiis ku habboon, mushahar muu jirin, darajo ciidan mey jirin, baabuur mas’uul fuulaa muu badneyn. Iyada oo aaney jirin waxa an maanta dawladnimada ku tilmaamsanno oo dhami, ayaa haddana la ahaa dawlad cid walba ka xoog badan oo isku kalsoon. Dawladnimadu gebigeeduba waxa ay aheyd niyadda iyo kalsoonida. Ciidamadii Mareykanka ee ka soo degey Muqdisho 1992-gii, iyo ciidankii kale ee dawladaha kale ka socdey ayaa in badan la isku deyey iney Soomaaliland yimaadeen oo ay xafiis ka furtaan Hargeisa. Dawladdii xiligaa Soomaaliland ka jiretey ayaa diidey arintaasi. Markii loogu hanjabey in ciidankaasi xoog ku iman doono Soomaaliland, waxa uu madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali uugu jawaabey, inaanu xoogga mareykan shaqeyn doonin ee xoog lagala hortagi doono.

Magaalada Hargeisa oo an degeenaa xiligaa dalka la soo galey, aqal beetalmey hagaagsan lihi kumuu oolin. Marka meel la isku yimaado ee la qayilayo, biyo badan lama cabbi jirin, waayo qofku wuxu iska ilaalinaya iney kaadi qabato. Qofka ay kaadi qabato uu iska xajisanaya, marka ay ku adkaatana inta uu jaadkiisa qaato ayuu dadka kale macasalaameynayaa, waayo meesha uugu dhow ee loo kaadi tagaa waa dooxa. Kol hadduu qofku dooxa tagana, soo noqon maayo ee gurigiisii ayuu iskaga sii carraabaya. Dadka ladani wiigii hal mar ayey meydhan jireen, waayo biyo socdaa may jirin oo wax la cabbo ayaaban la heyn.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), AHUN, wax lacag iyo maal kale oo uu wax ku maamulo muu heynin. Waxa uu wadan jirey gaadhi “FORD” ah oo uu ammaaneysiiyey nin la odhan jirey Maxamed Jaamac Bootaan (Indha Case), waayo gaadhigii madaxweynaha, dhaliyaro jabhad aheyd ayaa ka afduubtey oo qaadatey. Gaadhi labaad oo ammaano ah oo uu lahaa Maxamed Baarjeex, waxa madaxweynaha laga qaadey qiyaastii dhammaadkii 1992-gii oo ciidan jabhadda ahaa ayaa suuqa dhexdiisa kaga qaadey oo ka dejiyey, isna uu iskaga lugeeyey illaa gurigiisii. Xiligaa madaxweynaha gaadhiga laga qaadey waxa ay aheyd fiid, madaxweynuhuna waxa uu yimid xafiiskayaga si uu tilifoon uuga dirto, waayo madaxtooyada dalka laga xukumaa tilifoonba mey laheyn, magaaladana waxa ka jirtey hal shirkad oo tilifoon laga dirto oo daqiiqddii la bixiyo $18. Madaxweynuhu wuxu lahaa hal askari oo ilaalo u ah oo ahaa inan dhalinyaro ah oo cabdirisaaq la odhan jirey oo keli ah. Inta bandanna, waabu iskaga tegi jirey oo keligii ayaa gaadhiga kexeyan jirey.

Madaxtooyada jamhuuriyadda laga xukumana, biyoole dameer wata ayaa u dhaamin jirey. Madaxweynaha waxa cuntada u Karin jirey isla ninkii Janaraal Moorgan wax u Karin jirey oo la odhan jirey Baafo. Marka laga reebo Maaweel Hotel, Madaxtooyada iyo Idaacadda Radiyo Hargeysa ayaa wax jaanareetar leydhka u shida lahaa. Iyaguna saacado go’an ayuunbaa la shidi jirey. Shidaalka lagu shubo janareetarada madaxtooyada iyo janareetarka Raadiyo Hargeysa, waxa laga soo ururin jirey dhalinyaradayada shaqeysa ee magaalada joogta oo bilba qof ayaa laga qaadi jirey foosto shidaal ah.

Guryaha magaalada ka dhisan midhmidh mooyaane wey dunsanaayeen oo bilaa jiingad ayey ahaayeen, reer kastaana gurigoodii ayuu ka ag dhistey BEBE oo ah, aqal qoryo iyo baco iyo kartoono laga sameeyey. Reerka koonteenar hela waxa ay ahaayeen sidii oo ay fooq degenyihiin oo kale. Wasaaradaha dawladda badankooda reero ayaa wada degenaa, iskuuladu la mid oo guryo ayey wada ahaayeen reero degenyihiin. Jaamadda Hargeysa waxa ay aheyd xaafad ay deggenyihiin 90 qoys. Qofka reer magaalka ah ee magaalada yimaadda 1991 waxa uu seexan jirey ama barandhaha madaxtooyada ama meel ka mida deyka madaxtooyada gudihiisa. Dhakhtarka Hargeisa laftiisa, gaar ahaan waadhadhka lacagta reero ayaa degenaa. Kiniisadda gaalada ee Hargeysa ka dhisan lafteeda qoysas ayaa degennaa oo kiniisadda dhex seexan jirey. Waxa dadka u darneyd uun meel la huluusho oo caruurtana dhaxanta lagaga celiyo. Hoggaamiyayaasha maanta dalka hawlwadeenada ka ah, qaar badan oo an aqaanaa waxa ay ku jireen guryahaa Bebega ah iyo guryo dusha laga saarey bacdii buluugga aheyd ee qaxootiga. Dhalinyarada maanta joogta ee jaamiciyiinta ahna, in badan waxa ay ku dhashey koonteynaro iyo Bebeyo iyo guryo daaqadaha kartoon lagu awdey.

Wasiiradii joogey dalka gaar ahaan kuwa aan Hargeisa guryaha ku laheyn, badankoodu waxa ay degenaayeen Maaweel hotel oo an aniguna degenaa. Waxa jirtey mar ay hotelka ila degenaayeen 11 wasiir. Waa makhsino yaryar oo aan laba mitir ka weyneyn. Wasiirada ila degenaan jirey waxan ka xusuusta Ina Xaabsade, Deeqa Colujoog, Ibraahin Ciid, Saleeban Gaal, Abdillahi Mohamed Ducale, Cabdi Dhiboo (taliyaha Bileyska) Fagadhe. Intii dhimatey Alla Ha u naxariistee.


Sanad guurdadii koowaad ee dabbaaldegga 18 May 1992, waxa an ku dabbaaldegney magaalada Hargeisa gaar ahaan, xafiiska loo yaqaanno gobolka. Barandaha xafiiska ayuu isasoo taagey madaxweynaha iyo dhowr wasiir iyo odayaal la socdey oo ay dadka kala hadleen. Habeenimadii dad aan iyana sidaa u badneyn, ayaa xaflad kaga qeyb galay madaxtooyada. Dhowr qof mooyee, kuraasi lagu fadhiistaa meesha mey oolin. Wax sharaab ahna lama cabbayo, cuntana hadalkeed daa.

Nin wasiir ahaa oo an saaxiib aheyn oo la odhan jirey Adan Saxar (AHUN) ayaan ku idhi, waadigan oo nin daacad ahna waad tahay, sideed noloshaada u kafeysaa ileyn lacag ma qaadatide. Xiligaasi weliba waa markii Madaxweyne Cigaal (AHUN) xilka qabtey. Waxa uu igu yidhi habeenkii marka dadku hurdo ayaan masruufkeyga soo saara. Wasiirku waxa uu sameyn jirey Nambarada baabbuurta oo halhal ayuu gacanta uugu qori jirey. Mey jirin mishiinadan iminka Nambarka baaburta sameeyaa. Wasiirku inta uu soo googoosto jiingad ayuu gaadhi kasta nambarkiisa gacanta uugu qori jirey oo uu ka soo saari jirey biilkiisa. Habeenkiina waa ranjiile, aroortiina waa wasiir. Dadku xalaal quutayaal ayey ahaayeen. Qofka xoolo dawladeed iyo xoolo shakhsi kale leeyahay muu hungureyn jirin. Deydeyga la odhan jirey dadka ayey dhacaayaana, waxa uugu badan ee ay raadin jireen wuxu ahaa “maalin dagaal” oo ah wax uu maalintaa uun cuno. Qofkaa raadinayey waxa uu maalintaa cuno, ayaa weliba loo heystey tuug iimaan la’ oo wax dhaca.

Midhmidh mooyee, iskuuladu wey wada dunsanayeen, caruurtana waxa wax lagu bari jirey geed hoostii iyo gidaarada iskuuladaa dunsan, iyada oo caruurto ku fadhiisata daasadaha caana NIDO ama sanduuqa rasaasta lagu keeno oo laga soo urursan jirey xeryaha ciidanka. Ardeyga daasadda caana NIDO ah oo madhan helaa, waxba kamey maqneyn. Ardeyda iyo macalinkuba waxa ay la wareegi jireen cadceedda. Marka ay cadceedu cabbaar socotaba ardeydu wey la durkayaan daasadaha ay ku fadhiyaan oo waxa ay ku dhawaanayaan hadba dhinaca uu hadhku u wareego. Ardeydii ad laba sacadood horteed ka tagtey iyaga oo fadhiya oo koonfur eegaya ayuunbaad barqadii ama duhurkii u imaneysaa iyaga oo dhinac kale u jeedda. Sabuuradana xadhig ayaa ku xidhan oo geedba ayey ka laalaadaa oo kolba dhinaca ay ardeydu u wareegto ayuu macalinku u wareejiyaa. Iskuulada dulsanna, gelinka horena dhinaca galbeedka xiga ee hadhku jiro ayaa gidaarka laga maraa, kuwa gelinka danbe dhigtaana, dhinaca kale ee hadhku jiro ayey fadhiistaan. Noloshaa cadceedda lala wareegayo ayaa dadku wax ku soo bartey. Marka la rawaxo, ardeygu daasaddaa uu ku fadhiyo ayuunbuu buugaagtiisa ku dhex ridan jirey, xadhig yar oo sidde ahna oo hooyadii uugu sameyseyna garanbka ayuu sudhan jirey. Halka iminka aroortii caruurta laga leeyahay shandadaad qaado oo iskuulka tag, xiligaa marka 3 midh oo laxooxa inanka ama inanta la siiyo, daasadaada qaado ayaa la odhan jirey. Daasadaasi waxa ay aheyd hubka uugu weyn ee lagu soo dagaal galey. Macalinkuna sabuuradda gidaarka sudhan ayuu qataa oo uu gurigiisa la tagaa. Kol hadduu iskuulku dhamaado, cidna dhulka wax kama yaalaan. Ama roob ha da’o, ama riyo ha soo galaan, iskuulkiiba waa meel cidlo ah. Taasi waxa ay ku tuseysaa, in tacliintu aaney aheyn daarta iskuulka oo la dhiso oo la qurxiyo iyo kuraasi qurux badan oo lagu fadhiisto iyo basas caruurta lagu qaado toona. Wax kastaa waa niyadda. Haddii la helo macalin niyad wanaagsan u haya shaqada, wax kale oo dhan waa laga maarmi karaa. Caruurtii wax ku soo baratey cadceedaa lala wareegayo, qaar ayaa maanta wasiiro ah. Qaar ayaa Borofisooro ah oo jaamacado wax ka dhiga, qaar ayaa Dhakhtaro ah, qaar ayaa macalimiin ah, qaar ayaa hoggaamiyayaasha ciidanka ah. Ragga iyo dumarkaasi maanta kartidooda iyo wax qabadkooda toona kama muuqato iney daasado wax ku soo barteen iyo iney cadceedda la wareegi jireen toona.

Waxa laga yaabaa qofka aan xiligaa dalka joogin ee akhriya maqaalkeygan iyo waxan an soo taxay, inu isyidhaa meeshu meel lagu ba’ay ayey aheyd. Balse xaqiiqdu waxa ay aheyd, dadkii xiligaa joogey iney aad u niyad fiicnaayeen, si fiicanna ay u garanayeen waxa ay u soo dagaalameen iyo waxa ay doonayaanba. Muu jirin qof sawirka mustaqbalku ka maqanyahay. Dadka xiligaa joogey higsigoodu wuxu ahaa marxaladda maanta la marayo oo ah iney dalkooda dhistaan, iyagu is xukumaan, xorna ahaadaan. Inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin cusub oo aan lagaba sii fikirin oo iminka uun lagu baraarugey, hadana waxa an rumeysanahay in himiladii ay umaddu laheyd 25 sanadood horteed lahaayeen ay rumowdey. Hablaha iyo inamada maanta dabbaaldegayaa, waxa wejigooda ka muuqata nafaqo fiican iyo iney caafimaad iyo raaxo lagu soo koriyey. Halka ad iminka ka arkeyso indho cadcad, dhabano qurux badan, dhar nadiif ah, iyo jidh buuxa, 25 sanadood horteed marka dadku meel isku yimaaddo waxa kuu muuqanayey waji urursan, indho cascas iyo ilko cadcad oo qofka ka soo horeeya. Ibedelkaasi waxa keeney koritaanka aqoonta, iyo dhaqaalaha iyo nolosha oo kor u kacdey. Caruurtii 25 sanadood gacanta la hayey ee laga ilaalinayey iney ku qaraxdo 2-da malyuun oo miinada ah ee dalka ku aasnaa, waa kuwa maanta ka dabbaaldegeya boqolaalka magaalo ee adduunka hareerihiisa. Waa dhalinyaradii wax ku soo baratey geedaha hoostooda iyo iskuulada dunsan. Qaarkood cloosha hooyadood ayey ku jireen markii dalka lagu soo noqdey oo guryahaa BEBEYADA ah iyo koonteenarada ayey ku dhex dhasheen. Dadka dabbaaldegaya markaan eegey nafaqada ka muuqata iyo dharka ay xidhanyihiin iyo tilifoonada iyo kamaradaha ay isticmaalayaan, iyo baabuurta ay wataan iyo internetka ay adeegsanayaan, ee an barbar dhigo 25 sanadood horteed halkii anu ku dabbaaldegney 18 May, maskaxdu isma barbardhigi karto, waayo waa laba wax oo aan isu dhaweyn.

Riyadaa rumowdey kumeyn iman dhibaato la’aan. Heer kasta oo la soo marey iyo wakhti kasta oo la joogey waxa jirey dhibaatooyin badan. Dhibaatooyinkaana waxa laga soo gudbey dhabar adeyg iyo hoggaamiyayaal bulsho oo talada qabtey. Sideedaba dadka in yar ayaa guusha aragta marka guusha la sameynayo. Dadka intiisa badani waxa ay gartaan uun marka ay dhaafto ee uu wakhti ka soo wareego. Alla Ha U Naxariistee madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal waa shakhsiga loogu hadalheynta badanyahay marka laga hadlayo dhisidda nidaamka dawladda. Sidaasooy tahay, madaxweyne Cigaal waxa uu ahaa shakhsiga loogu mucaridad badnaa ee dhankasta dhibaato looga geystey markii uu xilka hayey. Geyd adeygnimo iyo dawladnimada oo uu u lahaa aqoon wanaagsan mooyee, qof kale uu ku waalan lahaa. Mudadii uu dalka hoggaaminayey, waa xiligii la dhisayey heykalka hey’adaha dawladda sida wasaaradaha, waa xiligii la sameeyey in shaqaaluhu mushahar qaato, waa xiligii la daabacey lacagta Soomaaliland, waa xiligii, jabhadda la qarameeyey ee laga dhigey Ciidanka Qaranka, waa xiligii Calanka maanta taagan la sameeyey, waa xilligii la sameeyey baasaboorka Soomaaliland. Waa xiligii wasiiradu u eekaadeed madax dawladeed. Mudadii uu waxaasi oo dhan qabanayey, maalin iyo habeen waa la caayayey, waa lala dagaalamayey, joornaalada dalka ka soo baxayaa aroor kasta waxbey ka sheegayeen. Maantana, umadda inteeda badani waxa ay rumeysantahay inu ahaa halyey, hoggaamiye iyo indheer garad dadka ka horeeya. Khudbadihiisa ayaa marka ad maanta dhageysato ad ka arkeysaa inu dadka meesha joogeyba ka horeeyey. Hoggaamiyayaasha dawladda iyo kuwa xisbiyada iyo kuwa bulshadana sidaa ayuunbaa maanta loo caayayaa. Qof wax wanaagsan laga sheegayaa kuma jiro. Rag badan iyo dumar badan oo maanta hoggaamiyayaal ah ama bulshada magac ku leh oo intaa la dhaliilayo ama la caayayo, waa kuwa taariikhdu marka ay dhintaan ku tilmaami doonto iney ahaayeen dad wanaagsan.

Guulahaa badan ee 25 sanadood ee la soo dhaafey la gaadhey, waxa ay soo faruureen dhibaatooyin hor leh oo waajib ay tahay in la furdaamiyo. 25 sanadood ee la soo dhaafey ummadda iyo hoggaamiyayaasheedu wey garanayeen waxa ay doonayaan. Waxa lagu hawlanaa in dalka dib loo dhiso, in si jiilka soo korayaa u helaan mustaqbal wanaagsan tacliin la baro, in la abuuro Ciidan Qaran oo dalka difaaca iyo Bileys nabadgelyada ilaaliya. Intaa iyo in badan oo kaleba waa la sameeyey. Arinta uugu weyn ee u baahan in laga fikiraa waa iyada oo la sameeyo aragti umadeed oo la higsado 10 sanadood iyo 25 sanadood ee soo socda. Arigtida noocaas ihi iminka wey maqantahay oo ma jiro HIGSI QARAN oo la isla ogyahay. Dadka maanta nool 60% waxa ay dhashen 1991 iyo wixii ka danbeeyey, waa dad ka warhaya halka caalamku marayo. Waxa loo baahanyahay in siyaasiyiinta hoggaanka lexejecladu ka heysaa ay la yimaadaan fikir cusub oo ay Soomaaliland kaga dhigayaan dawlad caalamka la tartanta. Aragtidii hore ee umadda lagu soo dhaqayey oo ay ka mid ahaayeen: (1) Annagu Dawlad madax banana ayaanu nahay oo Soomaaliya kama mid nihin; (2) Nabadda hala ilaaliyo oo hala wada noolaado; (3) Magaalooyinkeena dumay halla dhisto; (4) Caruurta haloo furo iskuulo, kuwa waaweyna jaamacado ha galaan; (5) Maamul iyo kala danbeyn iyo dawladnimo hala sameeyo; (6) Dalka hala difaaco oo ciidan adag hala dhiso. Qodobadan iyo kuwa kale ee la midka ahba waa kuwa dalka iyo umaddu 25 sanadood horumarka ku soo gaadhey. Guulahaasi laftooda ayaa dhaliyey dhibaatooyin cusub oo aan laga sii tashan. Guusha 10 kii sanadood ee la soo dhaafey laga gaadhey waxbarashada, ayaa waxa ay dhalisey iney soo baxaan kumanaan dhalinyaro waxbaratey ah oo aqoon wanaagsan leh, balse dhan ay u dhaqaaqaan aan garaneyn ama aaney jirinba. Waa dhibatada ay guushaa hore keentey. Waxa loo baahanyahay in lala yimaaddo aragto siyaasadeed iyo dhaqaale oo mideysan oo shicib iyo dawladba la higsado. Waa muhiim in lala xisaabtamo siyaasiyiinta gaar ahaan Xisbiyada Qaranka iyo musharaxiintoodaba oo si adag loo weydiiyo, aragtidooda Soomaaliland 10 sanadood dabadeed, iyo 20 sanadood dabadeed. Dhalinyarada maanta joogtaa nabadda hala ilaaiyo iyo guurtida oo laga sheekeeyaa wax macne ah oo ay u sameyneysaa ma jirto. Nabadgelyada waxa dhaliya dhaqaale xumada, shaqo la’aanta, iyo rajo la’aanta. Waa iney timaadaa aragti cusub oo rajo gelisa ummadda. Arimihii 10 sanadood iyo 20 sanadood horteed lagu soo caano maaley, sida nabadda iyo guurtida iyo Xamar ma dooneyno, iminka waa “Expire” oo ma shaqeynayaan.

Abuuridda himilooyinka cusub waxa keenti karta dhisidda dawlad adag oo nidaam iyo kala danbeyn leh oo nidaam dhaqan-dhaqaale leh abuurta. Dawlad kasta oo cusub oo timaadda kal danbe haddii Alla yidhaa waxa ay u baahantahay in niyadda ku heyso saddex qodob oo kala ah, (1) in guulaha ilaa hadda la gaadhey aan la yareysan ama la caayin ama la xaqirin ee la garowsado in dalakani ku taaganyahay maalgelin, iyo maskaxgelin, iyo muruqgelin lagu sameeyey 25 sanadood ee la soo dhaafey. Dhaqanka ah in dawladdii timaadaaba ay quudhsato wixii kuwii ka horeeyey sameeyey ama ay garan marto waxa ay ina dhaxasheeneysaa khasaare bada. (2) Dawlad kasta oo cusub oo timaadaa waa iney aasaas ka dhigataa guulahaa hore ee la gaadhey oo aaney tuurin. (2) waxa muhiim ah in dawladda cusub ee timaadaa ay cashar ka barataa qaladaad maamul iyo hoggaamin ee jira amah ore u jirey oo ay isku deydaa iney si cilmiyeysan u saxdo. (3) 1983 illaa 1991 hadafka ummaddu uu cadda, waxaanu ahaa in dalka laga sifeeto nidaamkii dawlldii markaa jirtey. Wuxuu ahaa mabda’ ka dagaalka ku jira iyo ka dalka gudihiisa jooga iyo ka qorbaha joogaa ay ka sinaayeen oo ay si fiican u wada fahamsanaayeen. 1991 illaa 2016, hadafku umaddu uu caddaa oo wuxu ahaa in dalka la dhisto, caruurta mustaqbal loo abuuro, dawlad madax bannaan la sameysto, nabad iyo xornimo lagu wada noolaado. Taasina waa la gaadhey. Waxa maanta maqan waxa hadafkeenu yahay 10 sanadood ee soosocda. Suuro gal maaha ineynu u socono sidii geed daad soo qaadey oo biyaha iska dul sabbeynaya. Balse waxa muhiim ah in maskax la isu geeyo oo la keeno aragti cusub oo umadda yar iyo weyn la higsado.


Alla Mahad leh


Maxamed cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com