Heshiiska Dekkada Berbera waa Billad aan boqor lahayn !
Posted by abdi on May 28 2016 20:45:31

Heshiiska deggada Berbera oo wali aan dhuuxa loo dhaadhicin ayaa maalmahan dhan bulsha weynta Somaliland mashqool ku tahay !


Extended News

Heshiiska deggada Berbera oo wali aan dhuuxa loo dhaadhicin ayaa maalmahan dhan bulsha weynta Somaliland mashqool ku tahay !


Runtii heshiiska deggada Berbera waano wada ogayen inoo yahay Non Binding Agreement o wali qabyo ah , Heshiiskaas o u baahan Letter Of Intent sidii o noqon lahaa Bindin Agreement markaasna heshiis legally sax ah cidina muran aanay ka keeni karin.

Heshiiska deggada Berbera isaga oo wali qabya ah aya waxa ka cadeeyay TVga wasiirka Arimaha Dibedda Sacad Cali Shire sheegaynaya inoo yahay heshiis hadal hore o dhac ah aan wali labada dhinac finalize gareenin heshiiski saxda aha ?

Hadaba anigu maanta waxaan is weydiinaya dhawer suaal :

-

DP World 15 Million ee xaqul qalinka maxay ogu bixisay Non Binding Agreementka ??Haddii heshiiku wali qabya yahay maxaa ku kalifay lacagta intaa leeg inay ku bixiso xaqul qalin ? 5 Milliona qalabki doonta soo xidhayay lagu soo iibsho ??

-

Roogi casaa ee lagu soo dhaweeyay Mr Sultan Maamulaha DP World iyo weftigii la socday wuxu ahaa mid o eeg heshiis dhab ah oo dhacay, Ubax iyo roog casna lagu soo dhaweeyay heshiiska dhacay.???

-

Saami qaybsiga dakhliga ka soo baxaya Heshiiska DP World Iyo shaqaalaha amma maamulka Heshiiska lagu wada galay waa 65% for DP World Iyo 35% for Somaliland , Shaqaalaha amma maamulkuna waa 5 qof from DP World Iyo 2 qof from Somaliland?

-

Anigu fikirkayga waxaan o arkaa inay Somaliland ay si fiican Agreementka oga wada tashato si aanay o dhicin khasaaro fara badan taas o ay kow ka tahay DP World o xili kasta xor ay o leedahay Heshiiska inay ka baxdo !

 

Samia Muse