Safarkii RW Somalia uu ku Tegi lahaa Dhuuso-mareeb oo Dib u dhacay.
Posted by abdi on May 28 2016 21:02:13

Iyadoo Maanta lagu waday in RW Soomaaliya iyo wafdi uu Hoggaaminayo ay safar ku tagaan Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud.


Extended News

Iyadoo Maanta lagu waday in RW Soomaaliya iyo wafdi uu Hoggaaminayo ay safar ku tagaan Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galguduud ayaa la sheegayaa in safarkaas uu ku yimid dib u dhac.


Wararka qaarkood, ayaa sheegaya in Wafdiga RW Somlaia ee tagi lahaa degmada Dhuusa-mareeb ay diiday Ahlusunna Waljamaaca, Taasna ay sababtay inuu dib u dhac ku yimaado, iyadoo wafdigan ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale, Warar kasoo baxaya xafiiska RW Sharma'arke, ayaa iyagana sheegaya, in dib u dhaca safarkan uu ku yimid Arrimo Farsamo, inkastoo Ahlusunna la sheegayo inay diidday xubno ka mid ah Wasiirrada qaybta ka ah Wafdiga Sharma’arke uu horkacayo ee tegi lahaa Dhuuso-mareeb.

Berri ah oo Axad ah, ayaa lagu wadaa in wafdiga RW Somalia ay gaaraan Dhuuso-mareeb. Iyadoo Wafdiga Sharma’arke ay kulamo la Qaadanayaan mas’uuliyiinta Ururka Ahlusunna Waljamaaca oo degmadaas maamula.

Dhanka kale, Ururka Ahlusunna ayaa Sannadkii hore Degmada Dhuuso-mareeb waxay uga dhawaaqeen maamul gaar ah oo ay sheegeen inuu Maamulayo Gobollada Dhexe, Waxayna dhanka kale ay horay eedeymo u jeediyeen Dowladda Somalia iyo maamulka Galmudug ee ay dariska yihiin.

Ugu dambeyntii, Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna - ayaa Dhawr jeer oo Hore ku Dagaallamay Magaalada Dhuuso-mareeb iyo Deegaanno kale oo Gobolka Gal-guduud ka tirsan, inkastoo mar dambe ay heshiis rasmi ah ka gaareen colaadahaas.

Si kastaba ha ahaatee, RW Somalia Cumar C/rashiid ayaan Weli ka hadlin Safarkii Maanta uu ku tegi lahaa Magaalada Dhuuso-mareeb ee uu Dib u dhacu ku yimid, mana ahan markii ugu horreysay oo Dhuuso-mareeb uu booqdo mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka.

Hargeysa Online