Ku Dhawaad Kun Qof oo isugu soo baxay taageerada Murashax Ilhan Omar.
Posted by ifraax on May 30 2016 01:36:45

Ku dhawaad 1,000 ruux oo ah Shacabka daggan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Extended News
Ku dhawaad 1,000 ruux oo ah Shacabka daggan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, oo isagu jiray Cadaan, Somalia iyo Oromo ayaa isagu-soo-baxay Xarunta Briant Coyle Center ee Magaalada Minneapolis, Kaas oo ahaa mid lagu taageerayay, Ilhan Omar oo u Sharaxan xildhibaanka Aqalka Hoose Xaafadda 60B ee MN.

Waxaa kulankan ka qayb-galay dadwayne kala duwan oo ay ku jireen Mas’uuliyiin sare oo ka Tirsan Minneapolis iyo Qaar kale oo ka tirsan Ardayda Jaamacadaha, kuwaasoo lulayay boorar ay ku Qoran yihiin Magaca – Ilhaan Omar.

Sidoo kale, Waxaa lagu soo bandhigay goobta khudbado kala  duwan oo lagu Taageerayay Ilhan Omar oo ololaheedu si dardar ah ku socdaan, Suugaan iyo Heeso kala duwan; iyadoo uu goobta heeso qiiro leh ka qaaday fannaanka Soomaaliyeed ee Axmed Cali Cigaal.

Dadkii Goobta, hadalka ka jeediyay waxaa ka mid ah; C/risaaq Biixi oo ka mid ah xubnaha Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee MN, gaar ahaana aad uga shaqeeya Xaafadda Cedar Riverside, isagoo sheegay inay Ilhaan ku habboon tahay meesha ay doontay ee kuriga 60B, waana waajib inaanu ku Taageerno haddaan nahay Dadkii Degenaa Xaafadan, annagoo ku kalsoon Waxqabadka Ilhaan Omar oo aan horay u naqaanay.

Waxaa isagana goobta khudbad ka jeediyay. Minneapolis City Council Andrew Johnson oo isagu ah Guddoomiyaha Dagmada 12-aad ee Minneapolis, Waxuuna sheegay in Ilhaan intii ay ka shaqeynaysay Xafiiska City Mpls, ay wax badan u Qabatay Dadka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta; Sida Saacadaha dheeriga ah ee loo ogolaaday in Ganacsadatada maqaayadaha ay xilli dambe ay furnaadaan bisha Ramadaan, Wuxuu Johnson is-barbar dhigay Ilhaan iyo xubnaha ay kursiga kula tartamayso, wuxuuna ku tilmaamay inay ka shaqo & dadaal badan tahay, isagoo intaas ku daray - in Khibrad sare oo xagga Maamulka ah ay leedahay, wuxuu kaloo xusay in waxqabad badan laga rajeynayo Ilhaan Omar marka ay kursiga ku fariisato.

Intaas kaddib, Waxaa Dadkii Goobtaas yimid la Hadashay Ilhaan Omar waxay xustay inay Isku-soo-baxaan  u qabatay sidii loo mideyn lahaa Bulshada deggen Xaafadda 60B, iyadoo sheegtay inay Codadkooda doonayso, Guushuna ay dhaw-dahay lana muujiyo kalsooni iyo Wadajir. Waxay kaloo Ilhan Omar intaa raacisay in haddii ay Guulaysato ay wax ka qaban doonta kuna dadaali doonto in ay Dhisto Guryo Qolol badan leh.

Mar ay Arrimaha Waxbarashada ka hadlaysay, ayay ballan-qaaday inay dhageysan doonto Dadka, kuna shaqayn doonto baahidooda, Waxayna si adag uga hadashay arrimaha dhallin-yarada oo ay sheegtay inay xoojinayso barnaamijyo dhallinyarada lagu horumarinayo.

Dhanka kale, Waxay Ilhaan Omar u mahad-celisay dadka u taagan hawsha Doorashadeeda, iyadoo si Gaar ahna ugu mahad-celisay Haweenka oo ay sheegtay inay Laf-dhabar u yihiin  Doorashadaan, waxayna xustay inay ku seexanayso mar walba inay Codkooda siinayaan.

Ugu dambeyntii, 09-ka Bisha Ogoosto ee Sanadkan 2016-ka, ayay doorashadu dhacaysaa, iyadoo Doorashadii Hor-dhaca ahayd ay Ilhaan Omar ku Guuleysatay 55%, tasoo dhacday horraantii bishii Abriil ee Sannadkaan.

- See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/May/wararka_maanta29-96194.htm#sthash.rRBIub3X.dpuf

Hargeysa Online