Musuq Maasuq Baahsan iyo Qabyaalad Hadhaysay Hay, Ada MIino Saarka Kashaqaysa Somaliland (HALO-TRUST).
Posted by ifraax on June 04 2016 11:09:50

Somaliland   intii  lasoo noqotay  goono  isku taageeda   ee ay  kala soo noqotay   dawladii  Somalia  1991 dii  mudadaa  oo  hada   gaadhaysa  25  sanadood.


Extended News

Somaliland   intii  lasoo noqotay  goono  isku taageeda   ee ay  kala soo noqotay   dawladii  Somalia  1991 dii  mudadaa  oo  hada   gaadhaysa  25  sanadood    mudadaasi  wixii  kadanbeeyay  Somaliland  waxay ku naaloonaysay   nabadgalyo   iyo horumar  muuqda  oo lataaban karo  horumarkaas oo aan cidina qarin Karin   qof  dafiri karaana  aanu  jirin  iyada  oo madax waynayaal badani   ay  iskaga danbeeyeen  talada dalkan Somaliland  ,iyada  oo  mar xalado  badan  ay  soomartay  Somaliland    mar xaladahaas  oo  kala  ahaa   afar stage,marxalada  koobaad  oo ahayd  dib  u heshiisiin   taas  oo ahayd  dawladii  C/raxmaan  Axmed  Cal,i   marxalada  labaad  oo ahayd   hub ka dhigis  taas  oo ahayd   dawladii  Maxamed  X.ibraahin  Cigaal ,  marxalada  sadexaad  oo ah   dib udhis   taas oo ahayd  dawladii   Madax wayne  Daahir  Rayaale   Marxalada,  Afraad  oo ah  Horumar  taas  oo ah  Dawlada hada jirta ee uu  Madaxda  ka yahay   Madax wayne  Axmed  Siilaanyo.arimahaa  aan soo sheegnay  ee marxaladaha badan eekala duwan soomaray  horumarkaa  balaadhana  gaadhay   ayaa  hadana   waxa jirtay Ha,ado  badan oo kaqaybqaadanayay  marxaladahaa  kala duwan  ee aan soo sheegnay   ayay  kamid ahayd   Ha,ada  Halo-Trust  taas  oo  ka shaqaynaysay    miino  saarka  intaa   ay  shaqada  waday  hay,adaasi   waxay   ku kacdaa    musuqmaasuq   balaadhan  iyo  qabyaalad  aan  kala  qarsi  lahayn  meesha  gabigeedana waxa qabsaday  hal reer waliba jufo   hoose    meeshiina   waxay noqotay   meel shaqadeedii  iskugu gaysay  qabyaalad iyo  musuq maasuq dhaqamada  meeshaa  kadhexjiraana waa kuwan.

1.waxa  ka dhex jirta  (Halo-trust)  hay adaa  miino  saarka  in aanay  usinaan Karin  nidaamka  shaqaalaha   dhamaan Gobolada  Somaliland ,waxa  jirta   in aan  lagaba ogolayn  in  ay  ushaqayso   Hay adaa miino  saarka  cid aan ahayn   jufada   Sacad muuse   cidii aan ahayn  jufadaasi bilaa  xuquuq  ayaa  la diraa cid  wax odhankartaanamajirto,madaxda  Hay,aduna   waxay dhagaystaan uun  wax yaabaha  ay uyeedhiyaan  Groupkaa   isku xidhani  waana  lagasifeeyay Hay,ada   shaqaalihii  aan  ahayn   Jufadaasi  Sacad  musse waxa  ku hadhay  in yar oo  faro  ku tiris  ah  oo  ay  gumaystaan  jufadaa  meesha    iska xidhatay.

2. waxa  xaa ladahaas  oo  dhan mar khaati cad  kuugu ah  (Helo-Trust)  hay adaa  miino  saarka  dhaqamadaa  foosha xun ee ay kusoo kacday waxa ka mid ah   Gobolka   Awdal  waxay  ka qorteen   shaqaale  gaadhayay  ilaa   20  qof     intaas oo ahayd  number aad uyar marka laga  eego  shaqaalaha   xad dhaafka  ah ee  u shaqeeya   Hay adaas    shaqaalahaas yar  oo kanoqonaya   mar ka la eego  dhibic    ama  2% hadaanay kaba  yaraynba  waxa   hada   ku sii  hadhay   5 qof  dhamaan   15kii  qof ee kale waa  la eryay   waxaana la eryay bilaa xuquuq bilahan  ugu  danbeeyay  ayay eryeen   qofkii  ugu danbee yay  15 kaa qof  iska daa  xuquuqe mu shaar kii sii ayaa  ku maqan   qor sha hoodu  waa sidaa    waxayku ma meen   dadkaa  ay dhacayaan  ee  masaa kiinta ah

3. dhamaan madaxda  ugu saraysa  Hay adaasi waa is ku reer mana  jirto  cid taraxdaa   waxayna  ku heshiiyeen iyaga iyo madaxda  ajaanibka ahi  dhiiga  dadka  danyarta ah  ee Somaliland dawlada  somalilandna way  ka dhago la,adahay warna  uma hayso dulmiga  lagu hayodadkaa masaa kiinta ah  waxaana  gabtay  wasaarada  shaqada  iyo arimaha bulshada  doorkeedii in ay  ka  war hayso  xuquuqda  dadkaa  masaa kiinta  ah  ,

Hadaanan wax laga qaban  waa la ogaa  wixii hore  uga dhacay   Hay adaa  dhexdeeda  iyadoo   xabad  loola galay  madaxda ajaanib ka ah  nasiib  uuni bad baadiyay  waxaasina waxay ka dhalatay  xuquuq la,aanta  shaqaalaha iyo musuqa  iyo qabyaalada  hadaan wax laga qabana waxaa  wax ka daran ayaa dhici doona oo aan hada lagu talo galin.

 

Lasoco  qaybaha  danbe  oo  ka sii xasaa sisan……………….

Qalinkii:  Axmed  C/lahi  Jamac