La jaanqaadka maalgashiyada caalami iyo xeerarka dhaqan dhaqaale ee bulshadeena.
Posted by ifraax on June 04 2016 11:18:39

Marxaladahan isdaba taxan ee nolosha ayaa maalinba waaya cusub furra waa dacar iyo malab meel wada yaal talladuna waa sahay oo mar waad toosin.


Extended News

Marxaladahan isdaba taxan ee nolosha ayaa maalinba waaya cusub furra waa dacar iyo malab meel wada yaal talladuna waa sahay oo mar waad toosin marna way kula tagi ilaahaybayse tiisa noqon .

Waxay ahayd xili aan kaba fogayn abaartii ba’nayd ee xoolaha iyo dadkaba dam kasiisay oo hadana haraatideedii aan lagaba bogsan ayaa war lagu diirsadaa kasoo daba dhacay waa warbixin muhiim ah oo la sugayay 20 sanno ee udanbeeyay in bulshadani mar uun helidoonto hamigaas nololeed .

Tusaale kooban “ninbaa xili seminar uu qabanaayay 50 qof wuxuu tusaale usoo qaatay 50 biibiile wuxuuna ku qoray mid walba magacyadoodii oo sadexan sidoo kale makhsin ayuu kusoo xidhay waxaanu dhamaantood faray in nin waliba kala soo baxo biibiilaha magiciisu ku qoranyahay waqtibaanu u qabtay balse sawaxan iyo isjiidhjiidh ayaa meeshii buuq dhaafiyay mid ka mid ah ayaa xal keenay isagoo leh hadii aad hesho mid magac hebel ku qoran yahay udhiib hebelkaasi wuu kugu xigaaye si adigana taada magacaagu ku qoran yahay laguugu dhiibo si degdeg ahna way ugu dhamaatay isagoo nin waliba wata biibiile magiciisu ku qoranyahay”

Dulucda Qisadani waa danta guud ayaa dhasha danta shakhsiga ah,aan kusoo noqdo mawduuca

Mawduucani waxan ufalanqayndoonaa si togan oo ka duwan sidii dadku uqaada dhigeen qodobadii iskumid ka ahaa ee sharciyada iyo buuqa wararka la buunbuuniyay ee kooxaha wax kala jiita (mucaarid, muxaafad,iyo inta ku daba xiiqda ee kala taageersan) ay siidhiga ugu hayeen.

Ka bilaw hordhicii heshiiska waxaa dawlada emarits ku qaabileen waftigii somaliland ka socday ee Madaxweynuhu Hogaaminayay si heer sare ah waxaana la isla afgartay heshiiskii hordhaciisii , faaladii dadwaynaha oo caado inoo ahayd inta xun ayaa bulshadeenii jaanta iskula heleen waxaana lagu mashquulay sharciyadii,khilaafyo aan jirin Iyo in la iibiyayba balse waxaa aniga igu weynaa ishaa inoo baxday inay meelwayn inoo buuxin doonto

Qaabkee la iswaafajiyaa Dhaqankeena iyo dhaqaalaha heshiisyada caalamiga ah

 

Dhaqaalaha aduunku waa awood isku xidhan tartan xoogana ka dhex jiro gees ilaa gees,waa awood hal jiho uwada socota oo raba aduunku inuu meelkasta fursad dhaqaale ka abuuraan , waxay wadaagaan fikiro aragtiyo abuura dhaqdhaqaaq dhaqaale oo macquul ah waxaanu aduunku marayaa mid isku xidhan dhaqaale ahaan , siyaasad ahaan ,iyo bulsho ahaanba, inkastoo ay jiraan kala qaybsanaan sababtuna tahay waxaa jirra qolo iyagu aaminsan inaanay suurta gal ahayn soona xidha mashaariicda aduunku isdhaafsado Iyo qolo aaminsan in aduunku noqdo tuulo isku dan ah .

50 sanno ee udanbeeyay waxaa soo ifbaxay horumarinta awooda waxsoo saarka fikirada biniaadanka si loo helo Ilo dhaqaale oo fursad siiya dadka sida adeegyada xidhiidhka dadwaynaha (services ,cars ,goods and so on ) tusaale ahaan wadamadda China,india Japan,Singapore,Taiwan,malasia waxay horumar balaadhan ka sameeyeen kor uqaadida aqoonta casriga ah si ay dhaqaale iyo fursaddo ugu abuuraan aduunkana la jaanqaadaan waxaanay gaadheen in wadamada soo koraya maalgashiyo ka samaystaan sida qaaradan Africa sidoo kale shirkaddaha mobile-ku waxay casriyeeyeen qalabkoodii waxaanay xilikasta goobkasta ka hirgaliyeen inay daboolaan baayiha bulshada awoodaasina waxaa horseeda dad tababaran oo wax curinkara( human with a high technology development) waxaa ka mid ahaa Mulkiilaha Microsoft bilgate , mulkiilaha shirkadda Apple Steve jobs iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa kor loo qaaday loo qaaday xirfadaha biniaadanka (innovation) saddex qaybood ayaa muhiim u ahaa in tayada dadka kor loo qaado

Aqoonta (knowledge):

 

Aqoon tayo leh oo Xirfaddo kala duwan wax cusub abuuri kara iyo in kor loo qaado aqoonta xirfadaha sida engineering, medical professionals , R&D,waxaa xusid mudan nidaamka curinta wixii cusub oo halku dhagiisu ahaa (come out of the box ) oo micnihiisu yahay “kasoo bax qolka madow”

Curin (creativity):

 

Curinta wax cusub iyo midaynta afkaaraha kala duwan ee wax lagu Alifo .

Dhiirigallin (Motivation):

 

Sidii qaab cilmiyaysan dadka hamigooda kor loogu qaadi lahaa .

Bulshadeena dhaqan ahaan waa dad qaab qabaail u dagan badanaana waxyaabaha inna mideeyaa waa mabaadiida reernimo oo aan intay soomaali jirtayba guul ka gaadhin.

Aqoonta dadkeena tayadeedu way hoosaysaa waxbarashaduna waxay ubadan tahay cilmiga arts-ka iskuulada Iyo jaamacaduhuba way yar yihiin in soo saaraan dad xirfadlayaal ah (skilled) .

Nidaamka dawliga ahi wali waa curdin waxaana sharciga Dastuuriga ka awood badan xeer hoosaadka ee qabaailku ku dhaqmaan.

Qaabkee ugu haboon ee looga faaidaysan karaa fursaddan maalgashi ee dekadda berbera.

 

Si bulshadeenu shaqooyin wanaagsan uga helaan waxaa muhiim ah sidan:-

In la helo tababaro muhiim ah si dhalinyarteenu degdeg ula jaanqaadaan.

Waa in dawladeenu iyo inta maalqabeenka ahiba maalgashadaan dadkooda loona soo xusho ilaa 300 oo arday (engineers/professionals /certified skills) waxbarashada bilaashka ah (scholarship) loogu dirro waddamada saaxiibada nahay “UK , ETHOPIA, EMARITES,TURKEY,and so on”

Waa in khilaafyadda soo jireenka ah ee qabaailka ah sharci adag oo xakameeya laga soo saaraa si aan marnabba u dhicin khilaaf reernimo oo hakad galiya heshiisyada ganacsi ee caalamiga ah oo mustaqbal wayn u ah ummada reer somaliland oo dhan bari ilaa galbeed .

Qoraa: Ahmedyasin sh omar Ahmed furre

Email: Ahyasen216@gmail.com