Ciidamadda Amniga oo maanta qabtay koox looga shakiyey inay qaraxyo ka fulinaysay Maxkamadda sare ee Somaliland.
Posted by abdi on June 04 2016 21:49:23

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda saree e Somaliland.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda saree e Somaliland.


Illaa hada xukuumadda Somaliland war kamay soo saarin qabashada sadexda nin oo ay Booliisku qabteen isla markiiba, waxaana qalinkii Miinada ahaa qaaday ciidamadda Miino-saarka oo goobta soo gaadhay.

Ma cada nimanka la qabtay waxa ay ahaayeen, hase yeeshee sarkaal ka tirsan ciidamadda amniga ayaa sheegay in uu ka tirsanaa nin ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, kaasoo sida uu sheegay ay walaalo ahaayeen Hogaamiyihii kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane.

Askarigan ayaa la sheegayaa in uu ahaa koox dhaqan celin ahaan ciidamadda loo qoray, kuwaas oo ka soo goostay maleeshiyadda Alshabaab.

Ciidamadda Amniga Somaliland ayaa heegan la galiyey, waxaana saaka laga dareemayey feejignaan dheeraad ah agagaarka maxkamaddaha Hargeysa.

Hargeysa Online