Maxkamad ku Taalla MN oo ku Heshay Dambiyo Saddex Wiil oo Soomaali-American ah.
Posted by abdi on June 04 2016 22:00:57

Sedex wiil oo Somali ah oo ku eedeysanaa inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda ISIS ama Daacish,


Extended News

 

Sedex wiil oo Somali ah oo ku eedeysanaa inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda ISIS ama Daacish, oo Dacwaddoodii ay Xeer-beegtidu ka Baaraan dageysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa go’aan laga gaaray. Xeer-beegtida, ayaa si Wadajir ah isugu raacay, In Maxamed Faarax uu galay Dhamaanba Dambiyadii lagu eedeeyay. Guuleed Cumar, ayaa isagana lagu helay dhamaan Dambiyadii lagu soo eedeeyay. C/raxmaan Daa’uud oo ah Wiilka seddexaad ee go’aanka ay xeer-beegtidu ka gaartay, ayaa hal dambi oo been-abuur ah mooyaane, intii kale lagu helay. Waalidiinta, qaraabada wiilaasha iyo qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee gobalka oo fadhiyay kuraasta dambe ee Maxkamada ayaa markii lagu dhawaaqay go’aanka Xeer-beeg-tida waxaa la arkayay iyagoo ooyaya, qaar ka mid ah way xamili waayeen inay goobtaas sii fadhiyaan oo way ka baxeen iyagoo ilmeynay. Kuwa kale oohin ayay ku dhameysteen intii ay maxakamaddu socotay. Qaadiga Maxkamadda, Micheal Davis oo u mahad naqayay xeerbeegtida ayaa ku Amaanay inay shaqadooda u guteen si sharci ah oo cadaalad ku dhisan.

Garsoore Davis, ayaa Wiilashaan u sheegay inay xaq u leeyihiin in go’aanka Xeer-beegtida iska soo eegaan, Wixii ay dood ka qabaanna ay isaga kala hadli karaan, ka hor inta aanu ku dhawaaqin go’aanka ciqaabta ay wajahi doonaan. Intii ay socotay maxkamedeynta wiilasha Soomaalida ah, waxay Dowladdu soo bandhigtay caddeymaha eedaha lagu soo oogay oo u badnaa Codadkooda oo uu si Qarsoodi ah uga soo duubay, C/raxmaan Bashiir oo Dowladda si aan la ogeyn ula shaqeynayay. Gar-yaqaanadii Difaacayay wiilasha ayaa iyaguna dhankooda ku doodayay in dhalinyaradu aanay dambi laheyn oo ay ahaayeen kuwo hadal badan aan ku baraarug-saneyn cawaaqibka dambe ee ay keeni karaan hadallada aan laga fiirsan. Ayaan Faarax oo ah Hooyada dhashay, Maxamed Faarax oo aan iyadu maxkamadda joogin markii Go’aanka Xeer-beegtida lagu Dhawaaqayay, ayaa Hargeysa Online u Sheegtay in ay Sugeysay go’aankan oo aanay la yaab ku aheyn. Ayaan, ayaa xustay in xeerbeegtidu ay ahaayeen dad isku meel kasoo-jeeda oo aysan markii horeba ku qancin sida loo soo xulay go’aankoodana aanay rajo wanaagsan ka fileynin. Ayaan Faarax, ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ALLE uun ay wax wanaagsan ka rajeyneyso. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobalka Minnesota oo dacwada dhalinyaradan si gaar ah isha ugu hayay, ayaa iyaguna go’aanka Xeer-beegtida Siyaabo kala duwan uga hadlay. Qaar ka mid ah Jaaliyadda oo iyaguna Hargeysa Online  la Hadalay, ayaa waxay Sheegeen in loo baahan yahay in Soomaalida Minnesota ay ka Shaqeeyaan Wadajirka bulshada si looga hortago ugaarsiga dhallinyarada. Ugu dambeyn, Qaadiga Maxkamadda Dowladda Dhexe ee Mareykanka, ayaa laga sugayaa in uu Xukmiyo Ciqaabta ay Mudanayaan Wiilashu, Waxaanse la ogeyn inta ay ku Qaadan doonto inuu ku dhawaaqo Xukunka Arrintaan. -

 

Hargeysa Online